WAALI: Maamulka Kooxda Barcelona Oo Ka Tashaday Soo Laabashada Neymar JR & LABA Qoddob Oo Waali Ah Oo Ay Ku Xidheen.

Maamulka kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay ka tashadeen isla markaana go’aan ka gaadheen xiddigii hore ugu soo ciyaaray kooxdooda ee Neymar JR oo haatan dib loola xidhiidhinayo saxeexiisa iyo inuu dib ugu soo laaban doono.

Wax heshiis ah oo dhex mara labada dhinac ee Barca iyo Paris Saint-Germain ayaa u muuqda mid aad u adag balse waxa la filayaa inuu fududaan doono kaliya haddii Neymar oo soo dhex galo isla markaana uu qayb ka qaato inuu heshiis ahi qabsoomo.

Madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa aad uga cadhooday wadadii uu Neymar u maray inuu kooxda ka baxo waxaana uu saxaafada kahor cadeeyay inuu marnaba ku qancin.

Dhinaca kale, Inbadan oo kamid ah jamaahiirta kooxda ayaa aad uga cadhooday bixitaankii Neymar waxaana ay ku eedeeyeen inuu kooxdooda uga tagay sababo dhaqaale.

Haddaba, Sida ay baahisay shabaka GOAL, Maamulka Baluagrana ayaa go’aan ku gaadhay inay xiddigan hor dhigaan laba qoddob haddii uu doonayo kusoo laabashada Camp Nou, Labadan qoddob ayaa u arka kuwo aad ugu adkaan kara ciyaartoy weyn.

Qoddobka koowaad ayaa ah in maamulku ay isku raaceen in xiddiga ree Samba uu saxaafada hortago oo uu qirto inuu qaldamay isla markaana uu raali gelin bixiyo.

Qoddobka labaad ayaa ah inuu xiddigani iska iloobo wax dhaqaale ah marka uu Catalonia kusoo noqdo oo uu dhimo mushaharka xad dhaafka ah ee uu haatan ku qaato caasimada France.