WAALI: Kooxaha Lacagaha Ugu Badan Suuqa Kala Iibsiga Ku Kharash Gareeyay Tobankii Sanadood Ee Ugu Danbeeyay Oo La Soo Saaray.

Kooxaha kubbada cagta ayaa lacago aad u badan ku kharash gareeya ciyaartoyda ay kooxahooda ku so xoojiyaan, laakiin waxay hadda u muuqataa in suuqa kala iibsigu uu noqonayo mid heer waali ah ku socda.

Waxaa la soo saaray 19 ka kooxood ee lacagaha ugu badan suuqa kala iibsiga ku soo kharash gareeyay tobankii sanadood ee ugu danbeeyay iyada oo koox kasta oo liiskan ku soo baxday la shaaciyay qiimaha lacagta suuqa kaga baxday.

Kooxaha Premier League ayaa si wayn uga dhex muuqda safka ugu horeeya ee liiskan iyada kooxda Manchester City noqotay kooxda tobankii sanadood ee ugu danbeeyay suuqa ku bixisay lacagta ugu badan.

Xarunta daraasaadka kubbada cagta ee CIES ayaa soo saartay kooxaha lacagta ugu badan suuqa kala iibsiga ku bixiyay tobankii sanadood ee ugu danbeeyay oo ah muddadii u dhexaysay 2010 ilaa 2019.

Kooxda ay maal qabeenada carbeed ay maal galinta waalida ah u soo sameeyeen ayaa qiimaha lacagta suuqa kaga baxday 1.638 Bilyan Yuro waana kooxda lacagta ugu badan soo kharash garaysay.

Kooxda Barcelona ayaa noqotay kooxda labaad ee tobankii sanadood ee ugu danbeeyay lacagta ugu badan suuqa ku kharash garaysay iyada oo Barca ay suuqa la gashay lacag dhan 1.525 bilyan yuro.

Chelsea ayaa kaalinta saddexaad ugu jirta in ay 1.428 bilyan yuro suuqa ku bixisay tobankii sanadood ee ugu danbeeyay halka PSG ay noqotay kooxda afraad ee liiskan ku soo baxday ee suuqa ku bixisay 1.392 bilyan yuro.

Mar lays barbar dhigo kooxaha lacagta carbeed lagu maal galiyay ee Man City iyo PSG, waxaa muuqata in Man City ay si aad u wayn uga lacag kharash garayn badnayd tobankii sanadood ee la soo dhaafay inkasta oo PSG eedayn badan loo soo jeedinayay.

Real Madrid ayaa kaalinta 7 aad ku jirta halka Liverpool ay kaalinta 9 aad kaga soo muuqatay kooxaha lacagaha ugu badan suuqa ku soo bixiyay tobankii sanadood ee ugu danbeeyay.

Haddaba halkan si buuxda ugaga bogo liiska kooxaha lacagaha ugu badan suuqa kala iibsiga ku soo kharash gareeyay tobankii sanadood ee ugu danbeeyay ee min 2010-2019.

1. Manchester City: € 1.638 Bilyan

2. FC Barcelona: € 1.525 Bilyan

3. Chelsea: € 1.428 Bilyan

4. PSG: € 1.392 Bilyan

5. Juventus: € 1.272 Bilyan

6. Manchester United: € 1.265 Bilyan

7. Real Madrid: € 1.236 Bilyan

8. Atlético Madrid: € 1.110 Bilyan

9. Liverpool: € 1.075 Bilyan

10. Inter Milan: € 968 Milyan

11. AS Roma: € 896 Milyan

12. AS Monaco: € 862 Milyan

13. AC Milan: € 854 Milyan

14. Arsenal: € 831 Milyan

15. Tottenham: € 764 Milyan

16. Everton: € 753 Milyan

17. Bayern Munich: € 968 Milyan

18. Borussia Dortmund: € 968 Milyan

19. Napoli: € 694 Milyan