WAALI CUSUB: Laacib Khaati Ka Taagan SAWIRRO Dhaqan-xumo Ah Oo Hooyadii Baraha Bulshada Soo Dhigto Iyo Farriin Uu U Diray

Laacibka da’da yar ee Nocolo Zaniola oo u ciyaara kooxda Roma ee dalka Talyaaniga ayey qasab ku noqotay inuu codsi u diro hooyadii oo lagu magacaabo Francesca Costa, taas oo baraha bulshada ku baahiya sawirro dhaqan xumo ah.

Laacibkan ayaa hooyadii ka dalbaday inay joojiso sawirro tiro badan oo ay si joogto ah ula wadaagto 169 kun oo kala socda barteeda bulshada ee Instagram, kuwaas oo uu u adkaysan kari waayey Nocolo Zaniola.

Laacibkan 19 jirka ah oo xili ciyaareed fiican ku qaadanaya Roma oo uu xagaagii uga soo wareegay Inter Milan, ayaa waxa uu ahaa halyeygii kooxdiisa u dhaliyey labadii gool ee tartanka Champions League ee ay kaga adkaatay FC Porto, hase yeeshee waxa caqabad ku noqotay hadal-haynta hooyadii oo ay da’deedu tahay 41 jir, isla markaana ka mid ah dadka ku waalan baraha bulshada.

22 ciyaarood oo uu u saftay kooxdiisa, ayaa waxa uu ku dhaliyey shan gool, waxaana uu ku kabsaday in loogu yeedho xulka qaranka Italy.

Sawirka uu Zaniolo ka falceliyey

Sida uu qoray wargeyska Corriere dello Sports ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga, Zaniola ayaa waxa uu codsiga uu u diray hooyadii ku daabacay barta bulshada, kaas oo ay wada arkeen dhamaan inta ku taxan barta hooyadii.

Sawir ay soo dhigtay barteeda Instagram oo ay afka dhinac u qalloocinayso, ayaa waxa ku hoos qoray: “HOOYO JOOGI! Maxaad afkaaga sidaa ugu qalloocinaysaa! Waxaad tahay 40 jir e!”