Waakee Halka Ciyaartoy Ee Ay Taageerayaasha Man United Dalbadeen In Kulanka Caawa Ee Chelsea Uu Solskjaer Shaxdiisa Ku Soo Bilaabaa?

Taageerayaasha Manchester United ayaa ugu baaqay tababare Ole Gunnar Solskjaer inuu ku soo bilaabo da’ yarka Mason Greenwood shaxda uu caawa fiidkii kala hortagayo Chelsea ee kulanka ay ku bilaabanayaan xilli ciyaareedka Premier League.

Greenwood aaya wacadarro u dhigay Man United kulamadii saaxiibtinimo ee xagaaga ka dib markii uu kulankiisii ugu horeysay ee dhameystiran uu u dheelay kulankii ugu danbeeyay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ee Cardiff City.

Solskjaer ayaana shaaca ka qaaday in 17 jirkaan oo goolal ka dhaliyay xagaagan kooxaha Leeds iyo Inter Milan inuu heysto fursad uu ku ciyaaro kulanka kooxda Frank Lampard ay ka horimaanayaan.

“Waxa uu heystaa fursad uu ku soo bilaaban karo kulankaas” ayuu yiri Solskjaer.

SIDOO KALE AKHRISO:  "Waa Ciyaartoyga Ay Tahay In Liverpool Eegto Haddii Ay Doonayso Horumarka Xiga" - Jamie Carragher Oo Jurgen Klopp Farta Ugu Fiiqay Xiddiga Reds Ka Dhiman.

“Waa uu awoodaa inuu ciyaaro kulankaan, waxa uu mar walba joogaa xerada goolka isagoo abuuraya fursado. Waa adag tahay in ciyaartoyda si fiican u dheeleysa in laga saaxo shaxda.”

Ka dib markii uu baxay Romelu Lukaku oo Khamiistii ku biiray Inter Milan, fursada uu Greenwood u heysto inuu si joogta ah uga soo muuqdo shaxda kooxda ayaa kor u kacday, taageerayaasha United ayaana doonaya inay arkaan isagoo dheelaya kulanka Old Trafford ee caawa.

Codbixin ay ka qaaday wargeyska Manchester Evening News oo lagu weydiiyay haddii ay tahay in Mason Greenwood lagu soo bilaabo kulanka Man United vs Chelsea, waxa ay inta badan taageerayaasha u codeeyeen “haa”.

59 boqolkiiba oo ka mid ah in ka badan seddex kun oo codkooda dhiibatay ayaa ku taageeray Greenwood in lagu soo bilaabo kulanka Chelsea, inkastoo haddii lagu soo bilaabo aan la ogeyn inuu ka dheeli doono garab weerar ama weerarka dhexe.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Man City Oo Si Rasmi Ah U Dhamaystirtay Saxiixa Difaacii Juventus Ee Joao Cancelo Iyo Xoojinta Guardiola Oo Sii Socota.

Solskjaer ayaa da’ yarka ka ciyaareysiiyay garabka midig, waxaana ay u muuqataa in midkood Marcus Rashford ama Anthony Martial inay ka dheeli doonaan booska gooldhaliyaha madaama uu Lukaku baxay.