Waakan Qorshaha Looga Hortagayo European Super League-Madax Waynaha UEFA Ee Aleksander Ceferin Oo Ka Hadlay Sirtii Football Leaks.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa wada qorshayaashii ay kaga hor tagi lahaayeen in kooxaha yurub ugu waa wayni ay ka baxaan tartamada UEFA maamusho ee Champions League iyo Europa League waxayna haddaba UEFA diyaarisay ilaa saddex qorshe oo ay ku qancinayso kooxaha Yurub ugu waa wayn.

Madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee Aleksander Ceferin ayaa sheegay in ayna marnaba kooxaha waa wayn ee Yurub ka wada xaajoon tartanka uu Football Leaks shaaciyay in la samaynayo e European Super League wuxuuna tilmaamay in ayna jirin dood ay arintan ka yeesheen.

Aleksander Ceferin ayaa qiray in kubbada cagta Yurub ay u baahan tahay isbadalo si horumarin loogu sameeyo tartamada ay maamulaan iyo waliba xataa in tartan cusub oo saddexaad la soo kordhiyo balse waxyaabaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in la yarayn doono kulamada caalamiga ah.

Madax waynaha UEFA ee Aleksander Ceferin oo ka jawaabayay hadal haynta sirtii Football Leaks ee tartanka European Super League ayaa yidhi: “Anagu marnaba maanu daraasayn ama kamaanu doodin  ( European Super League) , xataa kumaanu jirin dhokumentiskaas”.

Aleksander Ceferin oo ka hadlaya in ay fikrado kale hayaan balse aanu Super League waxba ka ahayn oo uu yahay sheeko khiyaali ah ayaa yidhi: “Waxaan sheegi karaa in aanu fikrado hayno laakiin Super League taas waxba kuma samaynayo. Waqti xaadirkan waa khiyaali, waa riyo”.

Madax waynaha ururka kooxaha Yurub (EDA) ee Andrea Agnelli isla markaana ah madax waynaha kooxda Juventus ayaa isna xoojiyay hadalka Ceferin wuxuuna yidhi: “Anaga waxay nooga go’antahay UEFA si aanu u caawino samaynta ciyaaraha mustaqbalka isla markaana waxaanu ka war qabnaa in aanu ka faa’iidaysano suuqa oo aanu ka fikirno waqtiga dhaw ee kubbada cagta”.

Haddaba waa maxay Saddexda Qorshe ee La Doonayo In UEFA Ay Sii Haysato Kooxaha Yurub si aan loo samayn European Super League? Halkan hoose kaga bogo qodobadan.

  1. In La yareeyo kulamada xulalka qaramada isla markaana la kordhiyo kulmada heerka kooxaha kubbada cagta Yurub.
  2. In La Sameeyo tartan kale oo kooxaha Yurub ah kaas oo lagu soo kordhin doono UEFA Champions League iyo UEFA Europa League.
  3. In La badalo Sharci kubbada cagta sanadka 2024

Laakiin madax waynaha UEFA ee Ceferin ayaa hoosta ka xariiqay in la xoojin doono sharciga dhaqaale wanaaga Yurub ee FFP isaga oo qiray in ay jiraan meelo uu sharcigani ka liito oo aan si xoogan loogu dhaqmin sharciga.