Waakan Go’aanka Ugu Adag Ee Horyaala Tababare Quique Setien Ee Uu Qaadan Doono Maalmaha Soo Socda Kaddib Magacabistiisa Barcelona.

Advertisements

Kooxda Barcelona iyo tababaraheeda cusub ee Quique Setien ayaa ku qasban inay qaataan go’aan culus oo saamaynaya kooxdooda maalmaha soo socda waxaana ay ka arrinsan doonaan qorshaha weeraryahan ee ay yeelanayaan.

Dhawaan ayay ahayd markii weeraryahanka dookha koowaad ee kooxdaas Luis Suarez lagu sameeyay qaliin dhinaca jilibka ah waxaana lagu wadaa inuu maqnaan doono ilaa bisha April.

Haddaba, Kahor inta aysan wax go’aan ah qaadanin Barcelona ayaa sugaysa inay aragto lafo gurista uu samayn doono tababaraheeda cusubi isaga oo eegi doona xiddigaha uu kooxda koowaad ku haysto, Kuwa akaademiga iyo dookhyada suuqa kala iibsiga.

Setien ayaa dookhyada kooxda koowaad ay kaliya u yihiin saddex ciyaartoy sida lagu sheegayo Mundo Deportivo, Saddexdaas xiddig ayaa kala ah kabtan Lionel Messi, Antoine Greizmann iyo da’yarka Ansu Fati.

Ugu horreynba, Greizmann ayaa ah mid sidoo kale ka ciyaari karaya booska No.9-ka ee uu Suarez ka dhaawacmay waana mid kamida boosaska ay shaqaalaha farsamada ee Barcelona ee lasoo saxeexday u arkayeen inuu ka ciyaari karo.

Dhinaca kale Messi ayaa ah mid kasoo dhalaala dhammaan boosaska weerarka isaga oo sidoo kale wakhti dheer kahor kasoo ciyaaray doorka lagu magacaabo weeraryahanka beenta ah.

Advertisements

Dookha saddexaad ayaa ah Fati oo isagu inta ugu badan garabka bidix uga ciyaara kooxdiisa, Da’yarkan ayaa kasoo muuqan kara weerarka dhexe waxaana caddayn u ah awoodiisa booskaas goolkii uu ka dhaliyay Osasuna ee madaxa ahaa.

Advertisements