Waakan Booska Kaliya Ee Liverpool Ay Baahida Ugu Weyn U Qabto Inay Iska Soo Xoojiso Xagaagan & AFAR Xiddig Oo Midkood Ay Lasoo Saxeexan Karto.

Liverpool ayaan ilaa haatan ka dhex muuqan suuqa kala iibsiga waxaana ay kaliya lasoo saxeexdeen da’yarka ree Holland ee Sepp van den Berg oo ugu soo biiray heshiis marka gunooyinkiisa lagu daro 4.4 Milyan gaadhi doona.

Daafacan ree Holland ayaa kaliya kaabis noqon doona mustaqbalka maadaama ay haatanba Liverpool haysato afarta daafac dhexe ee kala ah Virgil van Dijk, Joe Gomez, Joel Matip iyo Dejan Lovren oo iyagu boosaskaas ku dagaalamaya.

Si lamida Van den Berg Reds ayaa aad ugu dhaw saxeexa Harvey Elliott oo ka tirsan Fulham isla markaana haysta rekoodhka ah inuu yahay xiddigii ugu da’da yaraa ee abid ciyaara Premier League.

Marka laga yimaado arrimaha labadaas xiddig Liverpool ayaa ahayd mid gabi ahaanba xaalad aamusni ah kaga jirtay suuqa walow lala xidhiidhiyay mar weeraryahanka kooxda Lille ee Nicolas Pepe.

Madaxda kooxda ayaa intaas kaddib sida warbaahintu sheegtay wararka Pepe la xidhiidhinaya ku sifeeyay been saafi ah taas oo ka dhigan inaysan aad u xiisaynayn.

Haddaba, Wargeyska Liverpool Echo oo fadhigiisu yahay magaalada Liverpool kana faalooda kaliya arrimaha Reds iyo Everton ayaa haatan banaanka keenay hal boos oo lagaga doodayo miiska wadahadalada Liverpool.

Booskaas ayaa ah weerarka waxaana ay Liverpool doonaysaa sida wargeysku sheegay weeraryahan cusub oo boosas badan isla markaana dhammaan boosaska weerarka u buuxin kara.

Marka laga yimaado Nicolas Pepe ayaa sidoo kale kooxda lala xidhiidhinayaa saddex weeraryahan oo kale oo kala ah Memphis Depay, Ousmane Dembele iyo Nabil Fekir oo ay xagaagii hore ku dhawaadeen saxeexiisa.