WAAALID ADEEC: Da’yarka Man United Ee Brandon Williams Oo Aabihii Hadiyad Cajiib Ah U Keenay Maalinta Dhalashadiisa (Daawo Muuqaal)

Da’yarka kooxda Manchester United ee Brandon Williams ayaa aad uga farxiyay aabihii kaddib markii uu maalinta dhalashadiisa u keenay hadiyad uu aad ugu riyaaqay oo ah gaadhi Marcedes ah oo 40,000 oo Pound ku qiimaysan.

19 sano jirkan daafaca garab ah ayaa xilli ciyaareedkiisii koowaad ee kooxda koowaad ee Man United kusoo raaxaystay isaga oo 26 kulan tartamada oo dhan kasoo ciyaaray kaddib fursad uu ka helay tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Kaddib markii Williams bishii October ee sanadkii hore ay Manchester ku abaalmarisay heshiis cusub oo 40,000 oo Pound ah, Da’yarkan ayaa lacag mushaharkiisa ah u adeegsaday inuu kaga farxiyo uguna mahad celiyo aabihii.

Muuqaalka lagu arkay dhacdadan oo ah mid shalay oo Khamiis ahayd lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu arkay Williams oo aabihii gacanta ka saaraya furaha gaadho Madow oo ah Marcedes 4×4 xilli uu aabuhu dhalashadiisa u dabaaldegayay.

Muuqaalkan ayaa ku bilaabmaya aabaha Williams oo soconaya isla markaana galaya meesha lagu baakimay gaadhiga iyadoo ay asxaabtiisa iyo qoyskiisu u hambalyaynayaan.

“Ma kaasaa? ma dhabaa? waan wada gariirayaa” Ayaa kamid ahaa erayada kasoo baxayay aabahan oo dareenkiisa cabiray.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook