Waa Xaqiiq Xulka France Ayaa Ugu Ciyaartoy Qaalisan Dunida – Qiimaha Shaxdooda Waxay Ku Dhow Dahay 1 Bilyan Yurub

Antoine Griezmann ayaa ugu danbeyn dhameystiray heshiiskii uu uga soo wareegayay Atletico Madrid uguna biirayay kooxda Barcelona.

Kooxda Blaugrana ayaa bixisay 120 milyan euro oo ay ku burburiyeen qandaraaska ciyaaryahanka ee Atletico taasoo ka dhigeysa xiddiga lixaad ee abid ugu qaalisan.

Asxaabtiisa Barcelona Philippe Coutinho, Ousmane Dembele ayaa ka horeeya si la mid ah Joao Felix, Kylian Mbappe iyo Neymar.

Waxa ay taasi la micno tahay in seddex ka mid ah lixda ciyaaryahan ee ugu qaalisan dunida inay yihiin Faransiis, marka la eegi lacagaha lagu iibsaday ciyaartoyda Faransiiska wax aay tusineysaa in qiimahooda uu aad u sareeyo maalmahaan.

Xaqiiqdiina waxaa laga sameyn karaa shax ciyaartoyda xulka France oo qiimahooda uu ku dhawaanayo hal bilyan euro, sida ay qortay Givemesport

SHAXDA XULKA FRANCE EE UGU QIIMAHA BADAN

Goolhaye Hugo Lloris waxa uu qiimihiisa ku dhiyaa 12 milyan euro.

Daaafcyada: Benjamin Mendy (57 milyan yuro), Lucas Hernandez (80 milyan yuro), Aymeric Laporte (65 milyan euro), Ferland Mendy (55 milyan euro).

Khad dhexe: Ousmane Dembele (125 milyan euro), Paul Pogba (105 milyan euro), Tanguy Ndombele (65 milyan euro), Thomas Lemar (70 milyan euro)

Weerar: Kylian Mbappe (180 milyan euro), Antoine Griezmann (120 milyan euro)

Wadar ahaan shaxdaas waxa ay qiimaheeda gaareyaa 934 milyan euro, kaliya wax aan ka badneyn 67 milyan euro ayaa ka harsan inay buuxiyaan halka bilyan.

Ku sii darso waxaa shaxdaan ka maqan Anthony Martial (€60m), Alexandre Lacazette (€53m), Tiemoue Bakayoko (€40m) iyo kuwa kale oo badan.