“Waa Wax Aan Macquul Ahayn In Messi Lagu Tiirsanaan Waayo” – Tababare Valverde Oo Wixii Barcelona Lagu Xaman Jiray Ee Ahaa Inay Messi Ku Tiirsan Yihiin Badheedh U Qirtay.

Advertisements

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa si cadaan ah u qirtay in kooxdiisu ay aad ugu baahi qabto kabtankeeda Lionel Messi kaddib markii uu xalay ku hoggaamiyay guul ay ka gaadheen Celta Vigo.

Barcelona ayaa toddobaadkii hore qaab xun kusoo qaadatay kaddib guuldarro kasoo gaadhay kooxda Levante iyo bar-bardhac ay la galeen Slavia Prague waxaana ay ahaayeen kuwo xalay guusha baahi gaar ah u qaba.

Advertisements

Image result for Messi and Valverde"

Kulankaas ayuu markale furaha Barcelona ahaa Messi kaas oo saddexley laba kamid ahi laadad xor ah ahaayeen ku kala dhantaalay Celta Vigo.

Si kastaba, Valverde ayaa kulanka kaddib qirtay inay wax aan macquul ahayn tahay in kooxdiisu ay ku tiirsanaan weydo Messi isagoo ku sifeeyay 32 sano jirkan faa’ido ay haystaan iyo hub cabsi ku ah kooxaha kasoo horjeeda.

Advertisements

Ernesto oo Messi ka hadlaya kaddib kulankii xalay ayaa yidhi “Waa wax aan macquul ahayn inaan lagu tiirsanaan Messi, Taasi waa sida ay u shaqayso, Isagu waxa uu iftiimiyaa waxkasta”.

“Maanta waxaanu ahayn kuwo safeex ah isaguna waxa uu goolal dhaliyay saddex jeer, Waa faa’ido aanu haysano, In kooxaha naga soo horjeedaa ay ka cabsadaan taasina waa mid wanaagsan”.

“Marka aanu guuleysano dhammaanteen waanu guulaysanay, Kuwa ciyaaraa (Ciyaartoyda garoonka gasha) way badan yihiin oo lagu daray Leo, Qofkasta waxa uu qabtaa shaqadiisa”.

Advertisements