Waa Tan Barcelona-dii La Yaqaanay – Barca Oo Xalay Samaysay Wax Aan Beryahan Lagu Arag Iyo Setien Oo Durba Saamayntiisa La Dareemay

Advertisements

Barcelona ayaa xalay guul ka heshay Granada oo ay kusoo dhoweysay Camp Nou, kulankii ugu horreeyey ee uu tababare Quique Setien hoggaamiyey.

Barcelona ayaa ku dhibaatootay gool-dhalinta, waxaana shimbir u noqday Lionel Messi oo xilli dambe saxeexay goolka kaliya ee ay guushu ku raacday, laakiin guusha waxa garab socotay dhacdooyin layaab leh oo ay kooxdu samaysay intii ay ciyaartu socotay.

Tababare Quique Setien ayaa durba laga dareemay Camp Nou saamayntiisa iyo inuu ka dhabaynayo ballanqaadkiisii ahaa in kaliya aanu doonayn in ay kooxdiisu guuleysato, hase yeeshee uu bandhig ciyaareed sarreeya iyo kubbaddii lagu yaqaanay dib ugu soo celiyo Blaugrana.

Bilowgiiba, waxa Barcelona ay kubadda ka ilaalisay Granada, waxaanay isku dhiibeen kubbado iyo baasas tiradoodu layaab noqotay.

Xiddigaha Barceloan waxay kubadda isku dhiibeen 1,005 baas oo 921 ka mid ah ay ku guuleysteen in qofkii ay ugu talo-galeen ay lugta u saaraan kubadda, waxaanay noqotay rikoodhkii ugu sarreeyey ee kubbad-dhiibis ah ee ay Barcelona samayso xilli ciyaareedkan.

Tababare Setien ayay u ahayd rikoodhkii ugu sarreeyey ee kubbad dhiibis ah ee ay samayso koox uu layliyo, waxaanu xalay dhaafay rikoodhkii uu ku sameeyey Real Betis oo 788 baas oo 719 ka mid ah ay guuleysteen samaysay waqtigii uu macallinka u ahaa.

Intan oo kaliya kuma ekka rikoodhka Barcelona ee xalay, hase yeeshee waxay u ahayd habeen ay sameeyeen baas bixintii ugu badnayd tan iyo xili ciyaareedkii 2008/09 oo ahayd xili ciyaareedkii ugu horreeyey ee Pep Guardiola uu maamulay kooxdan.

Rikoodhka Barcelona ee baas bixintii ugu badnayd waa sidan

Dhinaca kale, Barcelona waxay xalay samaysay rikoodh kale oo kubbad haysashada ah, waxaanay gacanta ku haysay 82.6 boqolkiiba, halka ay Granada la timid 17.4 boqolkiiba, waana rikoodh kubbad haysato oo aanay Luis Enrique iyo Ernesto Valverde midkoodna soo samaynin.

Halkan ka akhriso rikoodhada kubbad haysato ee Barcelona ay soo samaysay iyo kooxihii ay kusoo bahdishay.

Advertisements