Waa Sidee Xaalada Dhaawacyada Xidigaha Kooxda Real Madrid Ee Dani Carvajal Iyo Francisco Isco, Kahor Kulanka Madrid Derby, Miyey Qeyb Ka Noqon Doonaan Mise?.

Ciyaaryahanka khadka dhexe reer Spain ee kooxda Real Madrid Francisco Isco ayay u badan tahay inuu qeyb ka noqon doono kulanka xiisaha badan ee Madrid Derby ay isbuuca soo aadan ku wada ciyaari doonaan kooxaha daris wadaaga ah Real madrid iyo Atletico Madrid horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Francisco Isco ayuu dhaawac kasoo gaadhay inta lagu gudi jiray kulankii saaxiibtinimo ay wada ciyaareen xulalka Spain iyo Costa Rica sabtidii lasoo dhaafay, waxaana daqiiqadii 65aad lagu badalay xidiga ay isku kooxda yihiin ee Marco Asensio, taasoo shaki xoogan la galiyay inuu seegi karo kulanka Madrid Derby.

Laakiis wargeyska “AS” ayaa wuxuu maanta shaaca ka qaaday in xaalada Francisco Isco ay haatan aad u wacan tahay isla markaana uu kalsooni weyn ka muujinayo ka qeyb galkiisa kulanka ay Atletico Madrid ku booqan doonaan garoonkooda cusub ee Wanda Metropolitano.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa fasax labo maalmood wuxuu ka helay macalinka kooxda Zidane, wuxuuna kadib la hadlay macalinka ree France isaga oo ku war galiyay in xaalaiisu ay haatan aad u wanaagsan tahay, Waxaan la filayaa inuu ku soo laabto tababarka kooxda Arbacada bari.

Laakiin dhanka kale wargeyska “Marca” ayaa wuxuu dareen cabsi ah ku abuuray Jamaahiirta kooxda Real Madrid ee ku sugan gudaha caasimada Madrid iyo dibadiisa inta badan, maadaama uu sheegay inay adag tahay in laacibka Dani Carvajal uu qeyb ka noqdo kulanka isbuuca soo aadan Madrid Derby.

Dani Carvajal ayaa wuxuu si buuxda ugu qeyb qaatay tababarka kooxda maalmihii lasoo dhaafay, wuxuuna rajeynayay inuu ka qeyb qaato kulanka Derby Madrid. Si kastaba wargeyska ree Spain ayaa wuxuu war bixin uu daabacay uu shaaca kaga qaaday in Carvajal ay u badan tahay inaanu lagu soo darin liiska xidigaha uu Zidane kala hor tagi doono Atletico Madrid. Sababa la xidhiidha in dhakhaatiirta ay si xoogan kaga soo hor jeesteen in laacibka uu kulankan qeyb ka noqdo, sababa la xidhiidha in loo baqanayo xaaladiisa caafimaad.

 

Comments

comments