Waa Sidee Miiska Kala Sarreynta Gool Dhalinta Champions League? Messi Iyo Lewandowski Oo Fursad Iska Lumiyay Xalay & Halka Uu Ku Jiro Ronaldo Oo Caawa Ciyaaraya.

Tartanka ugu xiisaha badan guud ahaan tartamada kubadda cagta qaarada Yurub ee Champions League ayaa bilawday wakhtigiisa xiisaha badan ee bug-baxa ama is-reeb reebka iyadoo caawa lasoo af-meerayo wareega lugta hore ee kulamada 16-ka.

Champions League ayaa soo laabtay toddobaadkii hore waxaana lasoo ciyaaray lix kulan oo ay 12 kooxood madama iskula galeen iyadoo koox kasta dareenkeeda u gaarka ah kulamadaas kala hoyatay halka caawa ay jiri doonaan kulamo kale oo xiiso badan.

Toddobaadkii hore ayay guulo soo gaadheen kooxaha kala ah PSG, Tottenham, Roma iyo Real Madrid halka ay murugo ku ahayd Man United, Dortmund, Porto iyo Ajax iyadoo kulamadii xalay ay nabad ku dhamaadeen oo bar-baro goolal la’aan ah lagu heshiiyay.

Kala sarreynta gool dhalinta ayaa ah mid sidoo kale xiisaheeda wadata, Weeraryahanada Kylian Mbappe iyo Karim Benzema oo toddobaadkii hore goolal dhaliyay ayaa hadana iska waayay liiska siddeeda xiddig ee ugu sarreeya.

Robert Lewandowski ayaa siddeed gool ku hoggaaminaya loolankan xoogan waxaana uu laba gool ka horreeyaa Lionel Messi oo lix gool leh iyadoo ay labada xiddigba xalay wax goolal ah dhalin waayeen.

Iyadoo ay lix ciyaartoy oo kale ay min shan gool wadaagaan halka Cristiano Ronaldo oo isagu soo ahaa boqorka gool dhalinta ee tartankan sanadihii ugu dambeeyay uu xilli ciyaareedkan faro madhan taagan yahay isla markaana uu hal gool leeyahay.

Wareegyada is reeb-reebka ee haatan bilawday ayaa la filayaa in CR7 uu si weyn usoo hilaaci doono isaga oo dhawaan xusay inay haatan bilaabantay qaybta qurxoon ee tartanku.

Halkan Kaga Boggo Liiska Kala Sarreynta Champions League Ee Xilli Ciyaareedkan