Waa Maxay Ficilka Naxariista Iyo Dadnimada Ah Ee Uu Sameeyey Jose Mourinho Oo Warbaahinta Dunidu Hadal Hayso?

Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa magaalada London ka bilaabay shaqo uu ku quudinayo dadka jilicdsada ee da’da ee go’doonka u galay xanuunka Coronavirus ee ku faafaya dalka UK iyo dalalka kale ee adduunkaba.

Tababare Mourinho ayaa ku biiray ololaha ‘AGE UK and Love Your Doorstep’, waxaanu hawl-galkiisa ka bilaabay Enfield ee woqooyiga London oo uu isniintii guryaha ugu geynayay cuntooyin dadka waayeelka ah.

Waddanka Ingiriiska oo dadka lagu amray in ay guryahooda hoosta kaga jiraan si loo yareeyo faafidda Coronavirus, waxa la sheegay in Mourinho uu cuntooyin iyo waxyaabo kale oo aasaasi u ah nolosha aadamaha uu kasoo iibiyey dukaamada furan, kaddibna uu gacmihiisa ugu geeyey dadka u baahan ee waayeelka ah ee saamaynta badan uu ku yeeshay xanuunkan, kuwaas oo ah dadka ugu nugul ee xanuunkanna u geeriyoonaya.

Mourinho oo wajiga daboolan, isla markaana gacmaha Golofisyo ku xidhan ayaa muuqaallo laga soo duubay isaga  oo ku sugan dariiqyada, waxaana muuqaal uu soo duubay uu ku sheegay in loo baahan yahay in la caawiyo dadka waayeelka ah ee UK, lana xoojiyo is-jacaylka derisnimada.

“Waxa aan xoogaa caawimo ah siinayaa ‘Age UK Endfield iyo Love Your Doorstep Enfield’, dabcan, qaab online ah ayaad ugu deeqi kartaa cunto ama si mutadawacnimo ah. Way fududdahay in lala xidhiidho.” Ayuu yidhi Mourinho.

Isniintii, tirada dadka uu ku dhacay Coronavirus ee UK, ayaa gaadhay 6,650 qof, waxaanu Ra’iisal Wasaare Bors Johnson amray in guud ahaan waddanka albaabada aan alga soo bixin, kaliyana ay waxyaabaha lagama maarmaanka ah oo kaliya dibedda  u aadaan.