Lix Ciyaartoy Oo Man United Ah Oo Bahdilaad Kala Kulmay Qiimaynta Wargayska Caanka Ah Ee L’Equipe Iyo Qiimayntii Naxariis Darada Ahayd Ee Looga Bartay Oo Sii Socota

Wargayska caanka ah ee dalka Faransiiska ka soo baxa ee L’Equipe ayaa looga bartay qiimayn aan wax naxariis ah lahayn markasta oo tartamada Yurub ay iskaga hor yimaadaan laba kooxood oo waa wayni, wuxuuna wargayska L’Equipe  soo saaray qiimaynta khaaska ah ee uu ka sameeyay guuldaradii Man United iyo guushii PSG ee kulankii Old Trafford.

Wargayska L’Equipe  ayaan la xisoon in uu qiimaynta ugu liidata siiyo ciyaartoyda ugu magaca wayn waxaana hore loogu xusuustaa qiimayno uu hore uga sameeyay ciyaartoy magac wayn leh oo ay Lionel Messi iyo Neymar Jr ka mid yihiin kuwaas oo qiimayntii abid ugu hoosaysay L’Equipe  kaga helay bandhigo ay kulamo waa wayn ka sameeyeen oo liitay.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa qiimaynta aan waxba loo reebin ciyaartoyda kooxda Manchester United ee kulankii Old Trafford iyo waliba qiimaynta heerka sare ah ee ay ciyaartoyda PSG heleen.

Haddii aad isleedahay wargaysku waxa uu ka soo baxaa France oo waxa uu qiimayn fiican siiyay ciyaartoyda kooxda reer France ee PSG, aqoon ayaa kuugu laaban L’Equipe  mana yaqaanaan wax naxariis ah waxaana tusaale wayn ah qiimayntii ugu xumayd ee ciyaartoyda PSG ay siiyeen guuldaradii kulankii Anfield ee Liverpool ee isla xili ciyaareedkan.

Lix ciyaartoy oo Manchester United ah ayaa qiimaynta L’Equipe  ka helay min 3 darajo oo kaliya iyaga oo 3/10 ka helay qiimayntan waxayna kala yihiin Alexis Sanchez, Pual Pogba, Nemanja Matic, Victor Lindelof, Jesse Lingard iyo Ander Herrera.

Laakiin xidigo kale ayaa helay qiimayn 4 darajo ah kuwo kale oo aan wax badan dhaamin ayaa 5 darajo helay laakiin Ashley Young oo qaybtii hore ee kulankii Old Trafford shaqo fiican qabtay ayaa noqday xidiga kaliya ee Man United ka tirsan ee gaadhay qiimayn 6 darajo ah.

Qiimaynta ugu saraysa ee Man United ay noqotay 6 darajo, qiimaynta ugu hoosaysa ee uu ciyaartoy PSG ahi helay ayaa noqotay 6 waxayna haystaan qiimayn sare iyada oo Thiago Silva iyo Angel Di Maria ay heleen qiimaynta ugu saraysa.

Guud ahaan L’Equipe  ayaa qiimaynta celcelis ahaanta ciyartoyda Man United siiyay 3.8 halka qiimaynta guud ee celcelis ahaanta PSG uu siiyay 6.7 waana arin muujinaysa sida ay labada kooxood garoonka ugu kala fiicnaayeen.

Wargayska L’Eguipe ayaa ciwaanka ugu wayn ee bogga hore ee waragayskooda ee ciyaaraha maanta waxay ka dhigeen kulankii PSG iyo Man United iyada oo loo dhigay: “Waa sidii ay riyo oo kale tahay”. iyaga oo PSG ku amaanay in ay soo gaadheen guul aan markii hore la filayn in ay Old Trafford ku soo gaadhayaan xili Neymar iyo Cavani ay ka maqnaayeen.

Halkan kaga bogo Qiimaynta L’Eguipe ee Ciyaartoyda Man United Iyo PSG ee Kulankii Old Trafford iyo ciyaartoyda fashilka la kulmay.

Sidoo kale halkan kaga bogo qiimayntii  L’Eguipe Ee Ciyaartoyda Liverpool Iyo PSG Ee Kulankii Anfield Kaas oo ay ciyaartoyda PSG sida xun ugu bahdileen.

PSG: Areola 5; Meunier 4, Thiago Silva 6, Kimpembe 6, Bernat 4; Rabiot 4, Marquinhos 3, Di Maria 5; Mbappe 4, Cavani 3, Neymar 4

Liverpool: Alisson 5, Alexander-Arnold 8, Gomez 5, Van Dijk 5, Robertson 7, Henderson 5, Milner 6, Wijnaldum 6, Salah 5, Mane 7, Sturridge 6.