Waa Kuwee Tobanka Xul Qaran Ee Afrika Ugu Qiimaynta Sareeyaa Ee Qiimaynta Ay FIFA Soo Saartay Ee Isku Aadka Koobka Aduunka Saamaynta Ku Yeelan Doonta?

FIFA ayaa maanta soo saartay qiimaynta bilaha ah ee qaramada aduunka iyada oo aanu hore idiinku soo gudbinay tobanka xul qaran ee ugu qiimaynta sareeya laakiin waxaanu halkan idiinku haynaa tobanka xul qaran ee qaarada Afrika ugu qiimaynta sareeya iyada oo waliba qiimaynta FIFA ay saamayn wayn ku yeelan doonto isku aadka koobka aduunka ee ay shan xul qaran oo Afrika ahi ka qayb gali doonaan.

Xulka qaranka Masar ayaa koobka aduunka u soo baxay markii ugu horeeyay tan iyo sanadkii 1990 kii laakiin haddana waxay kaalinta labaad kaga jiraan qiimaynta xulalka qaramada Afrika balse waxay qiimaynta aduunka kaga jiraan kaalinta 30 aad.

Xulka qaranka Tunisa ayaa ah xulka qaranka kaalinta kowaad kaga jira qiimaynta qaramada Afrika ee FIFA waxayna qiimaynta aduunka kaga jiraan kaalinta 28 aad. Xulka qaranka Senegal ayaa kaalinta saddexaad kaga jira Afrika waxayna aduunka kaga jiraan kaalinta 32 aad.

Xulalka qaramada Eritrea iyo Somalia ayaa ku jira halka qiimaynta aduunka iyo Afrika ugu hoosaysa waxayna ka mid yihiin qaramada ku jira kaalinta 206 aad. DR Congo ayaa kaalinta afraad ee Afrika iyo kaalinta 35 aad ee aduunka kaga jirta qiimaynta ugu danbaysay ee FIFA.

Hadaba halkan kaga bogo Tobanka Xulka qaran Ee Afrika ugu qiimaynta sareeya iyada oo aad sidoo kale tirada ku hor qoran kaga bogan karto booska ay qiimaynta FIFA ee aduunka kaga jiraan.

1-Tunisia (28)

2-Egypt (30)

3-Senegal (32)

4-DR Congo (35)

5-Nigeria (41)

6-Cameroon (42)

7-Morocco (48)

8-Ghana (52)

9-Burkina Faso (55)

10-Ivory Coast (61)

Comments

comments