Waa Kuwee Tobanka Xidig Ee Khadka Dhexe Ah Ee Abid Ugu Fiicnaa Premier league? Qiimayn Lagu Sameeyay Iyo Laba Xidig Oo Hadda PL Ka Ciyaara Oo Liiskan Ku Soo Baxay.

Wax sahlan ma aha in qiimayn lagu sameeyo ciyaartoydii khadka dhexe ee abid ugu fiicnaa horyaalka Premier League maadaama oo ay kumanyaal ciyaartoy tayo fiican lihi soo mareen laakiin majalada Fourfourtwo oo mudooyinkii ugu danbaysay qiimayno badan samaysay ayaa soo saartay tobanka xidig khadka dhexe ah ee taariikhda Premier league ugu fiican.

Sideed ka mid ah tobanka xidig ee qiimayntan ku soo baxay ayaa ah kuwo ciyaaraha ka fadhiistay oo waliba xataa ay qaar hadda tababarayaal yihiin laakiin waxaa xusid mudan in laba xidig oo kaliya oo liiskan ka mid ahi ay haddaba ka ciyaaraan horyaalka Premier league ee qiimayntan lagu sameeyay.

N’Golo Kante oo Chelsea ka tirsan iyo xidiga kooxda Machester City ee David Silva ayaa noqday labada xidig ee kaliya ee waqti xaadirkan ka tirsan Premier league ee ku soo baxay liiska tobanka khadka dhexe ee taariikhda Premier league ugu fiicnaa.

Waxaa liiskan ku jira halayyadii kooxaha Manchester United, Liverpool, Arsenal, Man City iyo Chelsea ee kala ah Roy Keane, Franka Lampard, Steven Gerard iyo Patrick Vieira dhamaantood hadda ciyaaraha ka fadhiistay isla markaana shaqooyin kala duwan ku dhex jira.

Waxa kale oo liiskan ku jira xidiga lagu tilmaami karo ciyaartoygii taariikhda Man City ugu fiicnaa ee Yaya Toure kaas oo Sky Blues taariikh wayn u soo sameeyay isla markaana lagu tilmaami karo halyayada kooxdeeda ugu muhiimsan.

Waxa kale oo liiskan ku jira Luka Modric oo hadda ka tirsan Real Madrid balse waqti fiican ku soo qaatay kooxda Tottenham waxaana liiskan dhamaystiray halyaygii reer France iyo kooxda Chelsea ee Claude Makelele.

Haddaba halkan kaga bogo Liiska Tobanka Xidig Ee Loo Soo Xulay Kuwii Abid Ugu Fiicnaa horyaalka Premier league ee xidigaha khadka dhexe ah:

1- Roy Keane

2- Frank Lampard

3-Paul Scholes

4-Steven Gerrard

5-Patrick Vieira

6-Yaya Toure

7-David Silva

8-Luka Modric

9-N’Golo Kante

10-Claude Makalele

Haddaba akhriste, miyaad adigu aaminsan tahay in tobanka xidig yihiin tobankii xidig khadka dhexe ee abid ugu fiicnaa taariikhda Premier league? Haddii aanad liiskan u arkin kuwa ugu fiican, maxaad ka badali lahayd?,