Waa Kuwee Tobanka Kooxood Ee Premier league Ka Dhisan Ee Lacagta Ugu Badan Ka Helaya Ciyaartoydii Koobka Aduunka Uga Qayb Gashay?

Waxa dhawaan dalka Ruushka lagu soo afmeeray tartanka ugu xiisaha badan dunida oo ah koobka aduunka, Xulka qaranka France ayaa noqday guulaystayasha tartankaas kaddib markii ay guul 4-2 ah ka gaadheen xulka Croatia kulankii Final-ka ee ka dhacay Luzhiniski Stadium.

Ciyaartoyda qaybta ka ahaa tartanka koobka aduunka ee ka ciyaarayay kooxaha ree Yurub ayaa ka kala socday 384 kooxood oo kala duwan oo qaarada Yurub ah iyadoo koox kasta oo xiddig ku lahayd tartankaasi ay celcelis ahaan heli doonto lacag dhan £6,460 maalintii marka loo eego lacagta 157 Milyan ah ee la siin doono 384 ka kooxood.

Haddaba kooxaha Premier League oo xiddigo aad u tiro badan kulahaa Koobka Aduunka ayaa waxa daaha laga qaaday tobanka kooxood ee dakhliga ugu badan ka heli doona lacagtaas 157 Milyan ah, Kooxda Manchester City oo 16 xiddig ku lahayd koobka ayaana ah kooxda dakhliga ugu badan heshay halka Chelsea ay kaalinta labaad soo xidhatay.

Manchester City ayaa ciyaartoydii uga qayb gashay koobka aduunka ee xulalka kala duwan matalayay ka heli doonta 3.9 milyan gini halka kooxda Chelsea oo ku soo xigtaa ay heli doonto 3.5 milyan gini halka kooxda Tottenham ay doonayso 3.4 milyan gini oo ay ku helayso xidigaha koobka aduunka uga soo muuqday.

Kooxda Stoke City oo aan hadda Premier League ka tirsanayn balse xili ciyaareedkii dhamaaday qayb ka ahayd ayaa liiskan ku jirta si la mid ah kooxaha Liverpool, Manchester United, Arsenal iyo waliba dhawr kooxood oo kale.

Halkan kaga bogo liiska oo dhammaystiran.

1. Manchester City – £3.9m

2. Chelsea – £3.5m 

3. Tottenham – £3.4m

4. Manchester United – £2.9m 

5. Liverpool – £2.1m 

6. Arsenal – £1.9m 

7. Leicester – £1.8m 

8. Stoke – £987,000 

9. Swansea – £902,000 

10. Southampton – £825,000