Waa Kuwee Sagaalka Ciyaartoy Ee Lionel Messi Kaga Sareeya Lacagta Heshiiskooda Lagu Burburin Karaa? Iyo Hal Ciyaartoy Oo Isla Barcelona Ka Tirsan.

Kooxaha kubbada cagta ayaa ku kala duwan siyaasada ah in heshiisyada ciyaartoyda lagu daro qodob sheegaya lacagta heshiisyada ciyaartoyda lagu burbirin karo. Kooxo ay ka mid yihiin PSG iyo Juventus ayaa aaminsan in aan ciyaartoyda qandaraaskooda lagu darin wax lacag lagu iibsan karo ka hadlaysa taas oo siisa awooda ay ku joojin karaan ama ay ku iibin karaan ciyaartoyga ay doonaan.

Kooxo kale oo ay ugu horeeyaan Real Madrid iyo Barcelona waxay si joogto ah heshiisyada ciyaartoydooda ugu daraan qodobka sheegaya lacagta lagu iibsan karo laakiin waxay ku kala duwan yihiin xadiga lacagta iyada oo Real Madrid ay noqotay kooxda aduunka lacagaha ugu qaalisan ku darta heshiisyada ciyaartoyda kooxdeeda.

Qodobka heshiiska ciyaartoyda lagu daro waxa uu dhibaato wayn ku noday Barcelona oo Neymar Jr ku wadyay lacag dhan 222 milyan euros oo ay u arkaysay lacag aan si sahlan lagu bin karin laakiin kooxda PSG ayaa lacagtaas taariikh kaga samaysay suuqa balse markeeda PSG ayaa ayaan heshiiska Neymar ku darin wax qodob ka hadlaya lacagta heshiiskiisa lagu burbrin karo.

Lionel Messi ayaa loo arkaa mid la mid ah labada xidig aduunka ugu fiicnaa tobankii sano ee ugu danbeeyay laakiin waxaa maanta jira sagaal ciyaartoy oo Lionel Messi kaga sareeya lacagta heshiiskooda lagu burburin karo waxaana ku jira ciyaartoyda isla xidiga kooxdiisa ee Ousmane Demble balse dhamaan xidigaha kale waxay ka tirsan yihiin Real Madrid.

Heshiiska Lionel Messi ee hadda waxaa lagu burburin karaa 300 milyan euros oo u dhiganta £267 milyan gini inkasta oo maamulka Barcelona sheegaan in heshiiska uu hadda Messi ku shaqeeyaa uu yahay heshiiska cusub ee aanu wali saxiixan kaas oo marka uu si rasmi ah u dhaqan galo lagu burburin karo 400 milyan euros oo udhiganta 354 milyan gini.

Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema ayaa ah labada xidig ee heshiisyadooda lagu daray lacagtii abid ugu badnayd waxaana heshiiskooda Bernabeu lagu burburin karaa min hal milyan oo euros oo u dhiganta £886 milyan gini. Waxay tani la micno tahay in kooxi ayna la wareegi karin Ronaldo ama Benzema kooxdooda Real Madrid oo aan raali ka ahayn.

Halkan kaga bogo liiska Tobanka Xidig ee Heshiisyadooda lagu daray lacagta Ugu Badan Ee Lagu Burburin Karo:

1-Cristiano Ronaldo (Real Madrid) – £886 milyan gini 

2-Karim Benzema (Real Madrid) – £886 milyan gini 

3-Isco (Real Madrid) – £620 milyan gini 

4-Marco Asensio (Real Madrid) – £620 milyan gini 

5-Gareth Bale (Real Madrid) – £443 milyan gini 

6-Luka Modric (Real Madrid) – £443 milyan gini 

7-Toni Kroos (Real Madrid) – £443 milyan gini 

8-Dani Ceballos (Real Madrid) – £443 milyan gini 

9-Ousmane Dembele (Barcelona) – £354 milyan gini 

10-Lionel Messi (Barcelona) – £267 milyan gini 

Comments

comments