Waa Kuwee Saddexda Ciyaaryahan Ee Uu Difaaca Kooxda Manchester City Ee Danilo Uu Ku Tilmaamay Inay Yihiin Kuwo Ka Yimid Duni Kale?.

Manchester City difaaceeda Danilo ayaa wuxuu shaaca ka qaaday ciyaartoyda ugu fiican uu doorbidayo inta uu ku gudi jiro xirfadiisa ciyaareed. Laakii difaaca midig ee ree Brazil ayaa wuxuu doorashadiisa u sameeyay si aanan laga filayn, kadib markii uusan kusoo darin laacibka Cristiano Ronaldo doorashadii uu sameeyay inkastoo loo tixgelinayo inuu yahay kan adduunka ugu fiican.

Danilo ayaa wareysi uu siiyay wargeyska “The Guardian” wuxuu ku sheegay: “Waxaa jira seddex ciyaaryahan oo aan u malaynayo in ay ka yimaadeen duni kale, kadib markii aan si hoose ula socday qaab ciyaareedkooda xili kasta ee aan tababarka ku gudi jirno, waana xidigaha Neymar, Marcelo iyo Isco. mar walbana waan u sheegaa saaxiibadey, seddexdan nin waxay sameeyaan waxyaabo aan caadi ahayn”.

Difaaca ree Brazil oo mar wax laga weydiiyay Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu kaga jawaab celiyay: “Cristiano Ronaldo waa kan koowaad, laakiin waa ciyaaryahan si aad ah kaga duwan kuwa aan soo sheegnay, xili kastaa wuxuu xooga saaraa sida uu ku dhalin lahaa goolal isla markaana ku jebin lahaa rikoodho muhiim ah ee cusub, halka Marcelo, Isco iyo Neymar ay leeyihiin tayo sare iyo qaab kale ee loo ciyaaro”.

Ugu dambeyn Danilo ayaa wuxuu u sheegay wargeyska “The Guardian” sababtii uu kaga soo dhaqaaqay safka kooxda Real Madrid wuxuuna yidhi: “Ma aheyn wax sahlan inaan ka tago Real Madrid kadib xilli ciyaareed guulo ah oo aan ku guuleysanay horyaalka iyo Champions League, laakiin inaad kasoo muuqato daqiiqado yar ayaa sidoo kale ah waxaan wanaagsaneyn, Manchester City waxay ii furtay albaabada, waan ku faraxsanahay halkan, waxaan ku soconaa dhamaantayada wado saxda ah, waxaana rajeeneynaa inaan koobab fara badan kaga guuleysano gudaha England”.