Waa Kuwee Ciyaartoyda Kubbada Cagta Ee Iibsaday Baabuurta Ugu Qaalisani? Iyo Xidig Si Layaableh Safka Hore U Soo Galay.

Waxaa hubaal ah in kubbada cagta aduunku ay hadda noqotay mid ka mid ah waxyaabaha lacagta ugu badan lagu maalgaliyo isla markaana door layaableh ka ciyaaraysa ganacsiga aduunka, waxaana taas cadayn buuxda u ah liiska magacyada ciyaartoyda baabuurta ugu qaalisan ka iibsaday sayladaha aduunka.

Ciyaartoyda hadda ee kubbada cagta ku dhex jira iyo waliba kuwo haddaba ka fadhiistay ayaa ku soo baxay liiska shaqsiyaadka kubbada cagta ee wata gawaadhida ugu qaalisan iyada oo halkan aanu idiinku soo gudbinayno magacyadan iyo mid kastaaba nooca baabuurka uu lacagta ugu badan ku iibsaday.

Shirkadaha baabuurta soo saara ayaa ku kala duwan tayada, quruxda iyo waliba magaca ay aduunka ku leeyihiin waxayna taasi saamayn xoogan ku yeelataa qiimaha ay baabuurtoodu suuqa iyo sayladaha aduunka ka joogaan

Haddaba waa kuwee ciyaartoyda hadda kubbada cagta ku dhex jira iyo waliba ku ciyaaraha ka fadhiistay ee loo diwaan galiyay baabuurta ugu qaalisan?

Si aad u hesho jawaabta su’aashan halkan hoose si buuxda ugaga bogo sawirada buurta iyo magacyada ciyaartoyda lacagaha ugu badan ku iibsaday baabuurtan iyo waliba mid kastaaba qiimaha uu siistay oo ku hor qoran.

Cristaino Ronaldo iyo Karim Benzema ayaa noqday labada xidig ee lacagtii ugu badan ku bixiyay baabuurta ugu qaalisan iyaga oo min 2.5 milyan gini ku iibsaday gaadhiga loo yaqaan Bugatti Chiron laakiin Benzema ayaa dhawr jeer ku jira liiska ciyaartoyda baabuurta ugu qaalisan iibsaday.

Samuel Eto’o, El Hadji-Diouf iyo Pierre-Emerick Aubameyang ayaa noqday saddexda xidig ee qaarada Afrika ka soo jeeda ee ku soo baxay liiska ciyaartoyda lacagta ugu badan ku iibsaday baabuurta raaxada ee qiimaha waalida ah aduunka ka taagan.

Halkan si kooban ugaga Bogo Liiska Iyo Qiimaha Baabuurta Ugu qaalisan Iyo Shaqsiyaadka Iibsaday.

10-Sergio Aguero, Lamborghini Aventador – £262,000 kun oo gini.

9-Francesco Totti, Ferrari 599 GTO – £342k

8-David Beckham, Rolls Royce Phantom – £350k

7-El Hadji-Diouf, Mercedes-Benz SLR McLaren – £420k

6-Samuel Eto’o, Maybach 57 Xenatec Coupe – £600k

5-Zlatan Ibrahimovic, Porsche 918 Spyder – around £650k

4-Samuel Eto’o, Aston Martin One-77 – £1.25m

3-Cristiano Ronaldo , Bugatti Veyron – £1.7m

=Karim Benzema, Bugatti Veyron – £1.7m

2-Cristiano Ronaldo , LaFerrari – £2m

=Pierre-Emerick Aubameyang, LaFerrari – £2m

1-Cristiano Ronaldo , Bugatti Chiron – £2.5m

=Karim Benzema, Bugatti Chiron – £2.5m

Crisiano Ronaldo ayaa saddex jer ku soo baxay liiska ciyaartoyda wata baabuurta ugu qaalisan halka Karim Benzema iyo Samuel Eto’o ay min laba jeer liiskan ugu soo baxeen gawaadhida qaaliga ah ee ay iibsadeen.In Cristiano Ronaldo uu safka hore soo galayo waxay ahayd wax la filan karayay balse in Karim Benzema uu la mid noqday ayaa ah wax aan markii hore la filayn.