Waa Kuwee Bidixlayaasha Goolasha Ugu Badan Abid Ka Soo Dhaliyay Premier league?

Horyaalka Premier league waa kan ugu badan ee soo jiita ciyaartoyda heerka caalami ee ugu badan waxaana sabab u ah dhaqaalaha badan ee kooxaha, xamaasada horyaalka ee ay kooxaha badani ku tartamaan iyo waliba buun buuninta badan ee ay warbaahinta Ingiriisku u samayso.

Ciyaartoyda kubbada cagta ayaa ku kala duwan lugta ay goolasha ku dhaliyaan ee ay sida fiican kubbada ugu darbeeyaan, waxayna u qaybsamaan midiglayaal, bidixlayaal iyo xidigo khaas ah oo labada lugoodba ku tuura kubbada waana kuwo loo arko in ay yihiin kuwo wax badan dheer dhigooda kale.

Haddaba waa kuwee ciyaartoyda bidixlayaasha ah ee goolasha ugu badan premeir League kaga soo dhaliyay lugta bidix?

Waxaa jira shan ciyaartoy oo waqtiyo kala duwan ka soo ciyaaray Premeir League kuwaas oo goolasha ugu badan ku soo dhaliyay lugta bidix balse hal mid ayaa waqti layaableh ku soo galay shanta ugu sareeya.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa shan ciyaartoy ee taariikhda Premier League goolasha ugu badan ku soo dhaliyay lugta bidix halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Arinta cajiibka ahi waxay tahay in dhamaan shanta ciyaartoy ee goolasha ugu badan lugta bidix kaga soo dhaliyay Premier league ay dhamaantood u soo ciyaareen kooxaha Liverpool iyo Man United.

Halyayga Liverpool ee Robbie Fowler ayaa wali haysta rekoodhka goolasha ugu badan ee uu ciyaartoy lugta bidix abid kaga soo dhaliyay Premier league wuxuuna rekoodhkan ku haystaa 97 gool oo uu lugta bidix kaga dhaliyay horyaalka Ingiriiska.

Gool dhaliyihii hore ee kooxaha Manchester United iyo Arsenal ee Robin van Persie ayaa ah xidiga labaad ee goolasha ugu badan lugta bidix kaga soo dhaliyay Premier League wuxuuna kaalinta labaad ugu jiraa 94 gool.

Halyayga Man United ee Ryan Giggs ayaa kaalinta saddexaad ugu jira 78 gool waana xidiga saddexaad ee lugta bidix goolasha ugu badan kaga soo dhaliyay Premier league.

Laakiin arinta layaabka lihi waa in Mohamed Salah oo muddo kooban joogay Premier League uu kaalinta afraad ugu jiro 58 gool oo uu lugta bidix kaga soo dhaliyay Premier league waana xawaare layaableh marka loo tixgaliyo tirada goolasha iyo waqtiga dheer ee ay Premier league ka soo ciyaareen Fowler, Van Persie iyo Giggs.

Romelu Lukaku oo ka soo ciyaaray kooxaha Chelsea, Man United, Everton iyo West Brom ayaa noqday xidiga dhamaystiray shanta ciyaartoy ee abid goolasha ugu badan ku soo dhaliyay lugta bidix ee horyaalka Premier League.

Halkan kaga bogo Liiska Shanta Ciyaartoy Ee Abid goolasha ugu badan lugta bidix kaga soo dhaliyay Premier League:

𝟵𝟳gool- Robbie Fowler-Liverpool

𝟵𝟰 gool-Robin van Persie- Man United & Arsenal

𝟳𝟴 gool- Ryan Giggs- Man United

𝟱𝟴 gool- Mohamed Salah- Liverpool & Chelsea

𝟱𝟳 gool- Romelu Lukaku- Chelsea, Everton, Man United, West Brom.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

2 Comments

Comments are closed.