Waa Kuwee 10- Ka Ciyaartoy Ee Ilaa Hadda Xagaagan Lacagaha Ugu Badan Lagula Wareegay?

Muddo bil ka yar ayaa ka hadhsan suuqa kala iibsiga Premier League halka horyaalada kale ay haystaan waqti ka badan oo ay wali saxiixyo cusub ku sii samayn karaan. Waxaa jira xidigo badan oo haddaba ay kooxaha Yurub lacago badan ku kharash gareeyeen.

Haddaba waa kuwaa 10-ka xidig ee ilaa hadda ay kooxaha Yurub lacagaha ugu badan kula soo wareegaan? Halkan ayaanu idiinku soo koobaynaa ciyaartoyda ilaa hadda ugu qaalisan suuqa xagaagan.

Afar ciyaartoy oo ka mid ah tobanka xidig ee ilaa hadda lacagta ugu badan laga bixiyay waxaa la wareegtay Real Madrid taas oo muujinaysa sida ay kooxda Zidane xagaagan suuqa lacagaha badan u galisay.

Kooxaha Atletico Madrid, Bayern Munich, Manchester City iyo Tottenham ayaa dhamaantood jabiyay rekoodhkii suuqa kala iibsiga ee kooxahooda iyaga oo saxiixyo cusub kula wareegay lacago ayna abid ciyaartoy siisan.

Manchester United iyo Barcelona ayaa sidoo kale ka mid ah kooxaha lacago badan xagaagan ku kharash gareeyay saxiiyo ay la soo wareegeen.

Laakiin da’yarka ay kooxda Atletico Madrid ka hor qaaday kooxaha Yurub guu waa wayn ee Joao Felix ayaa ilaa hadda ah saxiixa ugu qaalisan xagaagan kaas oo ay Atletico Madrid ka soo bixisay 126 milyan yuro oo u dhiganta 113 milyan gini.

Eden Hazard ayaa ah xidiga labaad ee ugu qaalisan oo ay Madrid ka soo bixisay 100 milyan yuro oo u dhiganta 88 milyan gini inkasta oo lacago dheeraad ah uu heshiiskani ku gaadhi doono 130 milyan yuro.

Haddaba halkan kaga bogo 10 saxiix ee ilaa hadda ugu qaalisan xagaagan, kooxihii la soo wareegay iyo lacagtii laga soo bixiyay oo ku qiimaysan lacagta Poundka ama ginida.

10. Ferland Mendy (Lyon Real Madrid) – £44million

9. Eder Militao (FC Porto ⇒ Real Madrid) – £45million

8. Aaron Wan-Bissaka (Crystal Palace ⇒ Manchester United) – £50million

7. Tanguy Ndombele (Lyon ⇒ Tottenham) – £63million

6. Luka Jovic (Eintracht Frankfurt ⇒ Real Madrid) – £58million

5. Rodri (Atletico Madrid ⇒ Manchester City) – £63million

4. Frenkie de Jong (Ajax ⇒ Barcelona) – £65milllion

3. Lucas Hernandez (Atletico Madrid ⇒ Bayern Munich) – £80million

2. Eden Hazard (Chelsea ⇒ Real Madrid) – £88million

1. Joao Felix (Benfica ⇒ Atletico Madrid) – £113million