Waa Kuwan TODDOBADA Ciyaartoy Ee Barcelona Ka Tirsan Ee Kooxdooda Suuqa Soo Socda Ama Ka Farxin Doona Ama Ka Nixin Doona!!

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay dooratay toddoba ciyaaryahan oo kooxdeeda ah kuwaas oo ay doonayso inay heshiisyada ciyaartoy is-dhaafsiga ah u adeegsato suuqa soo socda waana xiddigaha lagu sifayn karo furahooda suuqaas.

Saamaynta dhaqaale ee uu keenay xanuunka Korona ayaa sababaya in kooxaha waaweyn ee Yurub aysan ciyaartoy qaali ah lasoo saxeexan karin waana sababta ay Barcelona uga shaqaynayso heshiisyo ciyaartoy is-dhaafsi.

Kooxda ayaa isku dayi doonta inay heshiisyada kooxdeedu ay samaynayso ku darto ciyaaryahano haatanba qayb ka ah kooxdeeda koowaad amaba kuwo ka baxsan oo heshiisyo amaah ah ku maqan.

Toddobada xiddig ee ay Barca u dooratay kaalinta heshiisyada ay samayn doonto ayaa kala ah Nelson Semedo, Junior Firpo, Ivan Rakitic, Arturo Vidal, Samuel Umtiti iyo labada xiddig ee kala ah Alena iyo Rafinha oo amaaho ku maqan.

Liiskan xiddigaha ah ayay ku jiraan ciyaaryahano xilli ciyaareedkan asaasi usoo ahaa Barcelona balse kooxda ayaa dareensan inay heshiisyo uu ugu horreeyo Lautaro Martinez oo bar-tilmaameedka koowaad u ahi ay u fududayn karaan.

Xiddigaha soo jiidashada gaarka ah leh ee liiskan ayaa kala ah Junior Firpo, Semedo iyo Alena maadaama oo ay yihiin kuwa da’ ahaan ugu yar ee uu mustaqbalka wanaagsani ka horreeyo.

Labada xiddig khad dhexe ee kala ah Vidal iyo Rakitic kuwaas oo heshiisyadooda Blaugrana ay min hal sano uga hadheen, dabcan waxa ay ku jiraan sanadahoogii soddomaadka balse wali koox kasta ayay wax badan kusoo kordhin karaan.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook