Waa Kuwan 10-Kii Saxiix Ee Ugu Xumaa Oo Uu Pep Guardiola Ka Sameeyay Barcelona, Bayern Munich Iyo Man City.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa caan ku ah in uu soo saaro ciyaartoy heer caalami noqda laakiin taas micnaheedu ma aha in saxiix kasta oo uu sameeyay uu noqday mid guulaystay balse waxaa jira kuwo fashil noqday.

Qiimayn lagu sameeyay 10 kii saxiix ee ugu liitay ee uu Guardiola ka sameeyay kooxaha Barcelona, Bayern Munich iyo Manchester City ayay ku jiraan xidigo magac wayn ku leh kubbada cagta.

p1e8rn7020efb15q714unv0fa139.jpg

Guud ahaan Pep Guardiola waxa uu la soo saxiixday 73 ciyaartoy tan iyo amrkii uu tababaraha kooxda Barca B noqday sanadkii 2017 kii waxaana jira 10 ciyaartoy oo loo soo xulay saxiixyadii ugu liitay ee uu sameeyay.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa qiimaynta lagu sameeyay tobaniii saxiix ee ugu xumaa ee uu Pep Guardiola waayihiisa tababaranimo sameeyay.

Saxiixii ugu liitay ee uu abid Guardiola sameeyay waxaa loo doortay Ibrahimovic kaas oo uu Barcelona kula soo saxiixday sanadkii 2009 kii isla markaana markii uu fashil noqday amaah loogu diray AC Milan.

Zlatan Ibrahimovic ayaa Barcelona ku soo biiray sanadkii 2009 kii markaas oo ay Barca kooxdeeda ka fasaxday Samuel Eto’o oo Inter Milan ku biiray waxaana isla Inter ka soo wareegay Ibrahimovic.

Laakiin lacagtii waalida ahayd ee ay markaas Barca ka soo bixisay Ibrahimovic oo ahayd 62.55 milyan gini ayaa noqotay mid waji gabax ah isla markaana ay ugu fashilmeen bixitaankii Eto’o iyo saamayn la’aantii Guardiola ee Ibrahivovic.

Xidiga reer Sweden ee lacagta sidaas u badan Camp Nou ku yimid ayaa saftay 45 kulan oo kaliya wuxuuna dhaliyay 21 gool kadib waxaa loo diray AC Milan oo uu amaah ugu tagay kadib markii uu la qabsan waayay kubbadii uu Guardiola ka doonayay kooxdiisii Barca.

Haddaba halkan kaga bogo dhamaan ciyaartoyda tobanka ah ee uu Guardiola la soo saxiixday ee fashilka noqday, kooxihii uu kala soo wareegay, qiimihii lacageed ee uu ka soo bixiyay iyo waliba waqtigii ay ahayd.

10. Danilo

Ka soo wareegay Real Madrid ⇒ Manchester City | 2017 | £26.5m

9. Jan Kirchhoff

Ka soo wareegay Mainz  ⇒ Bayern Munich | 2013 | Bilaash

8. John Stones

Ka soo wareegay Everton  ⇒ Manchester City | 2016 | £50m

 

7. Martin Caceres

Ka soo wareegay Villarreal  ⇒ Barcelona | 2008 | £14.85m

6. Keirrison

Ka soo wareegay Palmeiras  ⇒ Barcelona | 2009 | £12.60m

5. Nolito

Ka soo wareegay Celta Vigo  ⇒ Manchester City | 2016 | £16.20m

 

4. Claudio Bravo

Ka soo wareegay Barcelona  ⇒ Manchester City | 2016 | £16.20m

3. Dmytro Chygrynskyi

Ka soo wareegay Shakhtar  ⇒ Barcelona | 2009 | £22.50m

2. Aleksandr Hleb

Ka soo wareegay Arsenal ⇒ Barcelona | 2008 | £15.30m

1. Zlatan Ibrahimovic

Ka soo wareegay Inter Milan ⇒ Barcelona | 2009 | £62.55m

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook