Waa Kuwan SADDEXDA Kooxood Ee Kaliya Ee Uu Harry Kane Ku Doorsan Karo Tottenham & Haddii Ay Man United Qayb Ka Tahay

Tababarihii hore ee kooxda Tottenham ee Tim Sherwood ayaa ka hadlay saddex kooxood oo uu weeraryahanka kooxdaas ee Harry Kane ku biiri karo iyo haddii ay qayb ka tahay kooxda Manchester United oo lala xidhiidhinayay dhawaanahan.

Man United oo xagaagii 2019 iska iibisay weeraryahan Romelu Lukaku ayaa suuqa soo socda doonaysa No.9 kale oo dhammaystiran walow ay qaab amaah ah bishii January kula soo wareegeen Odion Ighalo oo haatan ka tirsan.

Tim Sherwood on his Spurs reign, that win record and how he set ...

Mid kamida weeraryahanada kooxdaas lala xidhiidhinayo ayaa ah Kane balse Sherwoord ayaa ka nixiyay taageerayaasha kooxdaas ee ku hammiyay inuu kula soo biiri doono Old Trafford dhawaan.

Sherwoord ayaa sheegay in Kane haddii uu ka baxo Tottenham aanay u badnayn inuu ku biiri doono koox Premier League ay ku xifaaltamaan kooxdiisa isla markaana uu tagi karo midkood saddexda kooxood ee kala ah Barcelona, Real Madrid iyo Bayern Munich.

Tim oo u warramayay Squeaky Bum Time ayaa yidhi “Anigu ma arki karo Harry Kane oo ka tagaya Manchester United oo tagaya koox kale oo Premier League ah, xataa maya Manchester United”

“Waxaan filayaa inuu tagi doono Real Madrid ama Barcelona ama Bayern Munich, halkaas ayaan isaga ku arki karaa, haa haddii ayna arrimuhu dhinaca kale (Dhinaca wanaagsan) iskugu bedelin Tottenham”

“Isagu waxa uu doonayaa inuu Tottenham joogo inta ka hadhay waayihiisa ciyaareed, taasi waa hubaal, laakiin ugu dambaynta waxa uu doonayaa inuu wax (Koobab) ku guuleysto”

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook