WAA Kuwan SADDEXDA Ciyaartoy Ee Waaweyn Ee Liverpool Dhaawaca Uga Soo Kaban Doona Kahor Kulanka Weyn Ee Man United.

Advertisements

Kooxda Liverpool ayaa war wanaagsan ka helaysa xiddigaha dhaawaca kaga maqan kahor kulanka ay Manchester United ka yeelan doonto xilli uu tababare Jurgen Klopp shaaca ka qaaday soo kabashada Fabinho, Dejan Lovern iyo Joel Matip.

Reds ayaa qaabilaya Man United Axada soo socota kulan Anfield ka qabsoomaya oo Premier League ka tirsan, Kulankan ayaa ah mid ay ku doonayaan inay kusii dheereeyaan guulahooda xidhiidhka ah ee kulamada horyaalka.

Image result for Fabinho Matip Lovern

Inay soo guuleysteen 20 kulan oo kamida 21 kulan ee ay PL kasoo ciyaareen xilli ciyaareedkan ayaa ah wax cajiib ah balse waxa ay qaabilayaan Red Devils oo ah kooxda kaliya ee dhibco ka goysan ilaa haatan.

Haddaba, Kahor kulankaas ayuu Klopp sheegay in Lovern, Matip iyo Fabinho dhammaantood loo ogolaaday tababarka buuxa.

“Anigu dhab ahaan waxaan sugayaa ilaa ay garoonka dushiisa imanayaan qof ayaana ii sheegay in loo ogolaaday inay sameeyaan tababarka buuxa”.

“Waxay u muuqataa in Joel (Matip) uu soo laaban doono, Waxay u muuqataa in Fabinho uu soo laaban doono malaha maalin kaddib, Anigu ma hubo, Dejan malaha sidoo kale wuu soo laaban karaa”.

Advertisements

“Taasi wax badan ayay ka dhigan tahay oo ay na caawinaysaa dabcan laakiin waynu arki doonaa sida ay u muuqato, Toddobaadkani waa mid aad u muhiim ah”.

Advertisements