Waa Kuwan Labada Tababare Ee Ugu Macquulsan Ee Uu Midkood Si Rasmi Ah U Qabsan Karo Xilka Tababarenimo Ee Arsenal & Sababta Oo Faah-Faahsan.

Advertisements

Kooxda ka yagleelan waqooyiga magaalada London ee Arsenal ayaa haatan raadinaysa tababare cusub oo rasmi ah kaddib markii dhawaan shaqada laga caydhiyay tababarihii ree Spain ee Unai Emery.

Sida uu sheegayo Il wareedka xog ogaalka ah ee Daily Mail, Arsenal ayaa ku qasbanaan karta inay xilka tababarenimo ee kooxda si rasmi ah ugu gacan geliso tababaraha haatan kumeel gaadhka ah ee Freddie Ljunberg ama ay u leexato dhinaca Mikel Arteta.

Arsenal next manager: Freddie Ljungberg and Mikel Arteta are in the running

Daily Mail ayaa sheegaya in sababta ay Gunners kaliya ugu koobnaan karto labada shaqsi ee aan soo xusnay ay tahay sababo dhaqaale darteed maadaama oo aysan awoodi karin bixinta mushaharaadka tababare sumcad weyn leh.

Waxa xusid mudan in jagada ka banaan Emirates hore loola xidhiidhinayay tababarayaal magac weyn sida Mauricio Pochettino, Massimiliano Allegri iyo Carlo Ancelotti halka Arteta uu hore xiiso ugu muujiyay.

Advertisements

Sida lasoo warinayo Arsenal ayaa maraysa dhibaatada dhaqaale xumo ee ka maqnaanshaha UEFA Champions League saamayntii ay ku yeelatay maadaama oo ay seegeen sanadihii ugu dambeeyay.

Gunners ayaa la aaminsan yahay inay sanadahan dambe guud ahaan faa’ido ahaan u heleen lacag dhan £70 Milyan oo ah lacag kooban marka loo eego kooxaha kale.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in ay gabi ahaanba khasaare gali lahaayeen balse ay ku badbaadeen lacagaha ay ka sameeyeen iibka ciyaartoy dhawr ah oo ay kamid ahaayeen Alex Oxlade-Chamberlain iyo Theo Walcott.

Tababarihii la caydhiyay ee Unai Emery ayaa hore loo siin jiray lacag dhan  £4 Milyan sanadkii walow ay Arsenal haatan diyaar la tahay inay wax ku darto lacagtaas haddana tababarayaasha sida Pochettino iyo Ancelotti ayaa dalban kara lacago heer sarreeya.

 

Advertisements