Waa Kuwan 50-Ka Ciyaartoy Ee Sportska Caalamka Ee Magac Ayna Xaq U Lahayn Ku Helay Buun Buun Ay Heleen.

Guud ahaan Sportska waxaa ku jira magacyo badan oo loo qaybiyo dhawr qaybood, kuwo loo yaqaan geesiyada aan loo heesin, kuwo loo arko in ay yihiin xidigo la buun buuniyay oo la dhaafiyay meesha ay xaqa u lahaayeen kuwo magaca ay heleen ugu qalma waxa ay ciyaaraha kala duwan ka soo sameeyeen.

Haddaba qiimayn la sameeyay ayay lagu soo saaray 50 ka shaqsi ee ciyaaraha kala duwan ee la buun buuniyay kuwaas oo la gaadhsiiyay heer ayna gaadhsiisnayn.

Taageereyaasha kubadda cagta adduunka & tartamada kale ee isboorti ee adduunka ayaa cod kusoo doortay 50 ciyaartoy oo dunidu si caddaalad-darro ah u buunbuunisay, isla markaana laga sarraysiiyey wixii ay u qalmayeen ee bandhiggooda ciyaareed uga goynayay fagaareyaasha hirdanka

Ciyaartoydan oo iskugu jira kuwo kubadda cagta ah, feedhyahanno, Tennis, Kubadda cagta Maraynkanka ee NFL iyo dhamaan tartamada isboorti ayaa waxa lagu tilmaamay in la buunbuuniyey oo qiimayn sarraysa la siiyey, waxaana codkooda kusoo doortay taageereyaasha kubadda cagta.

Shabakadda caanka ku ah qiimaynta ee thetoptens.com ayaa waxay taageereyaasha ciyaaraha kala duwan ka qaadday afti ay kusoo bandhigayaan ciyaartoyda sida xaq-darrada ah sad-bursiimaha uga helay fagaareyaasha, waxaana si cajiib ah liiska 50-ka ciyaartoy ee sad-bursiga helay kaalinta koowaad uga galay David Beckham oo sannado uu joogay Manchester United iyo Real Madrid lagu ixtiraami jiray inuu ka mid yahay laacibiinta ugu sharafta iyo karaamada badan, iyadoo uu mar walba lahaa qiimayn ka sarraysa ciyaartoyda kale gaar ahaan dhinaca dhaqaale samaynta.

Liiskan waxa kale oo ku jira halyeygii reer Brazil ee Pele, laacibkii kubadda kolayga ee Kobe Bryant ee dhowaan shilka ku geeriyooday, LeBron James oo ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan NBA-da, feedhyahanno iyo shaqsiyaad kale oo caan ka ah garoomada.

Halkan ka akhriso liiska 50-ka ciyaartoy ee qiimaynta ka sarraysa middii ay u qalmayeen la siiyey:

50. Ricky Hatton (boxing)

49. Michael Sam (NFL)

48. Pete Rose (baseball)

47. Wilt Chamberlain (NBA)

46. Lionel Messi (football)

45. Antoine Walker (NBA)

44. Tim Duncan (NBA)

43. Sidney Crosby (ice hockey)

42. Vince Carter (NBA)

41. LaMarcus Aldridge (NBA)

40. Manny Ramirez (NFL)

39. Muhammad Ali (boxing)

38. Reggie Bush (NFL)

37. Tom Brady (NFL)

36. Klay Thompson (NBA)

35. Peyton Manning (NFL)

34. Dirk Nowitzki (NBA)

33. Donovan McNabb (NFL)

32. Yao Ming (NBA)

31. Barry Bonds (baseball)

30. Randy Moss (NFL)

29. John Cena (WWE)

28. Johnny Manziel (NFL)

27. Cam Newton (NFL)

26. Michael Vick (NFL)

25. Tony Romo (NFL)

24. Russell Wilson (NFL)

23. Tiger Woods (golf)

22. Allen Iverson (NBA)

21. Emmitt Smith (NFL)

20. Alex Rodriguez (baseball)

19. Michael Jordan (NBA)

18. Tim Tebow (NFL/baseball)

17. Manny Pacquiao (boxing)

16. Stephen Curry (NBA)

15. Ronaldinho (football)

14. Mike Tyson (boxing)

13. Babe Ruth (baseball)

12. Joe Namath (NFL)

11. Cristiano Ronaldo (football)

10. Scottie Pippen (NBA)

9. Danica Patrick (motor sports)

8. LeBron James (basketball)

7. Kobe Bryant (basketball)

6. Eli Manning (NFL)

5. Terrell Owens (NFL)

4. Pele (football)

3. Michelle Wie (golf)

2. Shaquille O’Neal (basketball)

1. David Beckham (football)

David Beckham ayaa noqday xidiga inta ugu badan la buun buuniyay ee la dhaafay lana gaadhsiiyay heer aanu kubbada cagta ka gaadhin waxaana kubbada cagta ku soo xiga Pele oo isku tilmaamaha mid ayna jirin cid kubbada cagta ah oo abid gaadhi kartaa.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook