Waa Kuwan 25-ka Ciyaartoy Ee Kubbada Cagta Ugu Fiicnaa 25-Kii Sanado Ee La Soo Dhaafay.

Majalada caanka ah ee Four Four Two oo laga leeyahay dalka UK ayaa u dabaal degaysa sanad guuradeedii 25 aad ee markii la aas aasay sanadkii 1994 kii waxayna soo xuleen 25 kii ciyaartoy ee muddadan 25 ka sanadood ah kubbada cagta ugu fiicnaa.

Intii ay majalada Four Four Two jirtay waxaa kubbada cagta iska badalay jiilal badan oo ay garoomada ku soo gaadheen markii la aas aasay waxayna hadda arkayaan magacyo waa wayn oo kubbada cagta maamulaya kuwaas oo aan xataa markaas dhalan.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo koobaynaa liiska 25ka xidig ee ku soo baxay sanad guurada 25 aad ee majalada Ingiriiska laga leeyahay ee Four Four Two.

Majalada Four Four Two ayaa xidigii ugu fiicnaa 25 kii sanadood ee ugu danbeeyay waxay u doorteen Lionel Messi kaas oo kaalinta kowaad ka qaaday Cristiano Ronaldo oo kaalinta labaad qiimayntan kaga soo baxay.

Cristiano Ronaldo oo ay Messi soo xifiltamayeen in ka badan 10 kii sanadood ee ugu danbeeyay ayaa kaalinta labaad loogu doortay qiimaynta 25 kii sanadood ee ay majalada Four Four Two jirtay.

Zinedine Zidane ayaa loo doortay xidigii saddexaad ee ugu fiicnaa rubuc qarnigii la soo dhaafay waxaana ka horeeya Messi iyo Ronaldo oo kaliya.

Ronaldo Nazario ayaa kaalinta afraad ku jira halka Ronaldinho uu kaalinta shanaad buuxiyay waxaana lixda sare dhamaystiray Thierry Henry halka Xavi Hernandez iyo Andres Iniesta ay kaalinta 7 aad iyo 8 aad ku jiraan waxaana tobanka ugu sareeya ee majalada Four Four Two dhamaystiray Paolo Maldini iyo Roberto Baggio.

Halkan kaga bogo kala saraynta qiimaynta 25 kii ciyaartoy ee ugu fiicnaa 25 kii sanadood ee ugu danbeeyay ee ay majalada Four Four Two soo saartay.

25. Gianluigi Buffon

24. Sergio Ramos

23. Romario

22. Paul Scholes

21. Raul Gonzalez

21. Raul Gonzalez

19. Luka Modric

18. Eric Cantona

17. Gabriel Batistuta

16. Luis Figo

15. Wayne Rooney

14. Kaka

13. Ryan Giggs

12. Fabio Cannavaro

11. Rivaldo

10. Roberto Baggio

9. Paolo Maldini

8. Andres Iniesta

7. Xavi Hernandez

6. Thierry Henry

5. Ronaldinho

4. Ronaldo Nazario

3. Zinedine Zidane

2. Cristiano Ronaldo

1. Lionel Messi

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook