Waa Kuwan 10ka Ciyaartoy Ee Goolashii Ugu Badnaa Ka Dhaliyey Horyaallada Waaweyn 3dii Bilood Ee Ugu Horreeyey Sannadkan 2020

Sannadka 2020 oo ay bilaabmeen ciyaaraha qaybta labaad ee xili ciyaareedyada Yurub ayaa laba bilood iyo maalmo kooban markii ay socdeen loo joojiyey caabuqa Korona ee dunida oo dhan ku faafay, waxaana waqtigaas ay horyaalladu marayeen meelihii xaasaasiga ahaa ee dagaalka ugu adag uu kooxaha ku dhex-marayay booska loogu baxayo Champions League iyo kuwa u dhacaya heerka labaad.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa lagu joojiyey iyadoo 16 kooxood ay u hadhsan yihiin min sagaal ciyaarood, afar kalena min toban kulan, laakiin waddanka Spain ayay min 12 ciyaarood ka hadhsan yihiin, halka Talyaaniguna uu intaas oo kale yahay.

Faransiiska ayaa gebi ahaantiiba la kansalay fasal-ciyaareedkan, waxaana koobka la siiyey PSG, laakiin arrinta yaabka leh ayaa waxay ahayd in kabta dahabka ah ee gool-dhalinta la guddoonsiiyey Kylian Mbappe iyadoo ay sinnaayeen weeraryahanka Monaco ee Wissam Ben Yedder oo ay min 18 gool dhaliyeen.

Ka hor intii aan xili ciyaareedka la xidhin illaa maalintii ugu horreysay sannadkan cusub ee 2020, waxa horyaallada waaweyn ee Yurub ee shanta ah goolasha ugu badan ka dhaliyey toban laacib, waxaana gebi ahaanba aan ku jirin ciyaartoyda horyaalka waddanka Spain ee LaLiga.

Serie A, Bundesliga, Premier League iyo Ligue 1 ayaa ah kuwa ay tobanka ciyaartoy ee ugu goolasha badan muddadaasi ay ka ciyaaraan.

Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi oo muddo toban sannadood ah aan laga waayin safka hore ee gool-dhalinta ayaan liiskan ku jirin, laakiin waxa kaalinta koowaad ku jira xiddiga reer Portugal ee xafiiltanku ka dhaxeeyo ee Cristiano Ronaldo.

Akhriso 10ka laacib iyo goolashii ay dhaliyeen sannadka 2020:

10. Fabio Quagliarella – 6 gool

9. Sergio Aguero – 6 gool

8. Ante Rebic – 6 gool

7. Mohamed Salah – 7 gool.

6. Kylian Mbappe – 7 gool

5. Robert Lewandowski – 6 gool

4. Josip Ilicic – 8 gool

3. Ciro Immobile – 10 gool

2. Erling Haaland – 10 gool

1. Cristiano Ronaldo  – 11 gool

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook