Waa Kuma Xidiga Xili Ciyaareedkan Ugu Koobabka Badan Yurub Ee Abaal Marinta Ballon D’Or Ku Garaaci Kara Messi, Ronaldo & Van Dijk?

Sanadkan waxa uu tartan badani ka jiri doonaa xidiga ku guulaysan doona abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee Ballon d’Or iyada oo ay jiraan ilaa lix ciyaartoy oo ay suurtogal tahay in ay tartan toos ah gali doonaan.

Wali lix bilood ayaa ka hadhsan waqtiga la bixin doono abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee Ballon d’Or balse haddii la qiimeeyo lixdii bilood ee hore ee sanadkan waxaa jira ciyaartoy si toos ah loogu saadaalinayo abaal marintan.

Laakiin waxaa jira xidig aan markii hore loo arkayn in uu abaal marintan ku tartami karo balse hadda noqday xidiga ugu koobabka badan qaarada Yurub isla markaana saamayntiisa si buuxda loo soo dareemay.

Waxaa waqtiyadii ugu danbeeyay in badan laga hadlayay in difaaca kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk uu yahay xidiga ilaa hadda sida cad u hogaaminaya tartanka Ballon d’Or sababtoo ah in uu kooxdiisa kula soo guulaystay Champions league isla markaana uu dadaal badan ka soo sameeyay Premier league.

Waxa kale oo kaalinta labaad loogu saadaalinayaa Lionel Messi kaas oo kooxdiisa Barcelona kula soo guulaystay La Liga isla markaana soo hantay kabta dahabka ah gool dhalinta Yurub.

Cristiano Ronaldo, Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa ahaa saddexda xidig ee la soo raacinayay Van Dijk iyo Messi laakiin xaqiiqdu waxay tahay in uu jiri karo xidig kale oo aan liiskan hore ugu jirin balse hadda ay suurtogal tahay in ilgaar ah lagu eegi doono.

Xidiga kooxda Manchester City iyo xulka qaranka Portugal ee Bernardo Silva ayaa soo qaatay sanadkii waayihiisa ciyaareed ugu fiicnaa wuxuuna noqday xidiga qaarada Yurub sanadkan ugu koobabka badan.

Haddii koobab badan loogu guulaysan karo abaal marinta Ballon d’Or, Bernardo Silva ayay tahay in uu ku guulaysato abaal marintan kadib markii uu Manchester City ka soo caawiyay saddexda koob isla markaana uu door wayn ka qaatay in uu Portugal kula guulaystay UEFA Nations League.

Bernardo Silva ayaa kooxdiisa Manchester City kula soo guulaystay koobabka Premier league, FA Cupka, EFL Cupka wuxuuna Portugal hadda la qaaday UEFA Nations League iyada oo waliba xidigii tartanka ugu fiicnaa loo doortay.

Bernardo Silva waxa uu hore ugu jiray musharixiintii uu Van Dijk ka hor qaaday abaal marinta xidiga sanadkan ee Premier league ugu fiicnaa wuxuuna ku soo baxay shaxda kooxda xili ciyaareedka taas oo muujinaysa sida uu qaab ciyaareed fiican ugu soo jiray.

Bernardo Silva waxa uu ahaa xidigii sameeyay caawinta goolkii kaliya ee uu xulkiisa Portugal ku garaacay Netherlands wuxuuna ahaa mid halis ku ahaa Holland markasta oo uu kubbada lugta ku dhigo.

Haddii koobka Community Sheild lagu daro waxa uu Bernardo Silva uu xili ciyaareedkan ku soo guulaystay 5 koob laakiin waxa Community Sheild la ciyaaray waqti aan hadda loo xisaabin doonin abaal marinta Ballon d’Or maadamaa oo bishii August 2018 kii la ciyaaray balse xili ciyaareed ahaan shan koob ayuu ku soo guulaystay.

Waxa uu Bernardo Silva fure u ahaa guulo badan oo ay Manchester City soo gaadhay, wuxuuna Portugal siiyay awood ciyaareed oo ay kaga baxeen in Ronaldo oo kaliya ay ku tiirsanaadaan, wuxuuna hadda ku soo biiray liiska ciyaartoyda aduunka ugu fiican.

Haddaba akhriste, marka aad qiimayso lixdii bilood ee sanadkan ugu horeeyay, xidigee ayaad u dooran lahayd laacibka sanadka aduunka ugu fiican ee inta ugu badan u qalma abaal marinta Ballon d’Or?

3 Comments

  1. Waxay ila tahay inuu Bernardo Silva u qalmo runtii waa laacib aan caadi ahay tayo sare ayuu leeyahay manchester city fure ayuu u ahaa guulihii ugu muhiimsanaa ay gaareena isagaa usabab ahaa

  2. wa ciyartoy tayo an cadi ahayn leh qabka u hal aburka u sameeyo waxuu ad u shabahaa MESSI mar walba u ku bada lugta ku dhigo waxa jira qalqal kooxda kasoo horjeeda ku abuurmo wa xidig da yar farsamo cajiib ahne leh ugu dambayn iska saxa qoralka isagu waxu u dhashay Portugal mahan Belgium

  3. Barnado silva waa pleyar cajiiba lkn ilaa hada kumuusan gulaysan koob muhiima oo bland’orka kaa caawinaya

Comments are closed.