Waa Kuma Xiddiga Real Madrid Ka Tirsan Ee Sida Cad U Qirtay In Lionel Messi Uu Ka Dhib Badan Yahay Xiddigaha Kale Marka La Difaacayo?

Advertisements

Daafaca dhexe ee kooxda Real Madrid ee Raphael Varane ayaa si daacadnimo leh uga hadlay kabtanka kooxda ay sida weyn u xifaaltamaan ee Barcelona Lionel Messi oo uu ku sifeeyay mid ka dhib badan ciyaartoyda kale.

Advertisements

Varane oo waraysi siinayay DAZN ayaa sheegay in marka la wajahayo Messi aysan la mid ahayn marka ciyaartoyda kale laga difaacanayo isla markaana ay tahay in isaga wada jir looga hortago oo aan wax meel ah oo banaan la siinin.

Raphael ayaa ugu horreynba yidhi “Lionel Messi waa ciyaartoy khaas ah, Isaga ugama difaacan kartid sida aad kuwa kale uga difaacato, Isagu waxa uu u baahan yahay dareen badan, Waa inaad koox ahaan u difaacato, Uma ogolaan kartid meel banaan”.

Dhinaca kale daafaca heer caalami ee xulka France ayaa sheegay inuu tababaraha kooxdiisa ee Zidane u yahay isaga mid uu ku daydo isagoo ku sifeeyay mid isku kalsoon waxkasta oo uu samaynayo.

“Zizou aniga waxa uu ii yahay tusaale weyn, Isagu waa mid aad u dagan, Isagu waa mid markasta niyad wanaagsan waxaana uu aaminsan yahay naftiisa waxkasta oo uu samaynayo”.

Ugu dambayn, Raphael ayaa waraysiga uu siinayo DAZN ku sheegay in ciyaartoy waaweyn sida Sergio Ramos iyo xiddigihii hore ee kooxdiisa ee Cristiano Ronaldo iyo Pepe isaga u yihiin kuwo uu wax ka barto.

“Waxa i dhiirigaliyay ciyaartoy sida Pepe iyo Sergio Ramos oo ah daafacyado sidaydoo kale ah iyo Cristiano Ronaldo, Isagu waxa uu tusaale u yahay ciyaartoy kasta, Wax badan ayaan iyaga ka bartay”.

Advertisements