Waa Kuma Xiddiga Barcelona Ka Tirsan Ee Sida CAD U Sheegay In Kooxdiisu Ay Ku Faa’iday Ka Bixitaankii Cristiano Ronaldo Ee Real Madrid?

Daafaca midig ee kooxda Barcelona ee Nelsom Semedo ayaa si aan gabasho lahayn saxaafada ugu sheegay in kooxdiisa uu wax tar u lahaa ka bixistii Real Madrid uu ka baxay mashiinkeedii goolasha ee Cristiano Ronaldo oo Juventus u wareegay.

Real ayaa xilli ciyaareedkan gashay xaalad gaabis ah iyaga oo dhammaanba ka hadhay tartamadii ay ku jireen walow loolanka horyaalku wali yahay mid aan si rasmi ah u afmeermin haddana 12 dhibcood hoggaanka looga hayo.

Soo laabashada tababare Zinadine Zidane ee Bernabeu ayaa ah mid soo celinaysa rajadii ciyaartoyda iyadoo uu tababaraha ree France noqonayo macalinkii saddexaad ee kooxda layliya isla xilli ciyaareedkan 2018-19.

Haddaba, Semedo ka sokow ka qayb ahaanshihiisa Barca sidoo kale Ronaldo kala qayb ah xulka Portugal ayaa sheegay in Real ay tabtay xiddigeedii sidoo kalena ay kooxdiisu faa’iday maadaama oo tartanku sidan kaga adkaan lahaa hadduu joogo.

Semedo ayaa yidhi “Real Madrid way dareentay maqnaanshihiisa in badan, Ma odhan karo anaga way noo xumayd in Cristiano tagay, Isaga oo jooga waxa ay anaga nagu noqon lahayd horyaal in badan adag oo in badan tartan leh”

“Isagu (Ronaldo) waa ciyaartoy u baahan feejignaan iyo ilaalin dheeri ah, La’aanta Lionel Messi anagu waxaanu u ciyaari lahayn si wanaagsan laakiin maaha si wakhti xaadirkan oo kale lamid ahaan lahayd”

Semedo iyo Ronaldo ayaa labadoodaba loo magacaabay liiska xiddigaha xulka Portugal u matalaya isreeb-reebka EURO 2020 taas oo la micno ah in CR7 uu xulkiisa matali doono markii ugu horreysay tan iyo Koobkii Aduunka.