Waa Kuma Xiddiga Barcelona Ka Tirsan Ee Ka Fikrada Duwan Xiddigaha Kale Ee Kooxdiisa Qirtayna Sida Uu U Jeclaan Lahaa Saxeexa Antoine Greizmann?

Khadka dhexe ee kooxda Barcelona ee Ivan Rakitic ayaa ah mid gabi ahaanba ka aragti duwan fikradaha laga soo sheegayo qolka labiska ee kooxdiisa iyo xiddigaha kale ee ay safka Blaugrana kawada tirsan yihiin.

Ivan ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in kooxdiisu ay samayso saxeexa weeraryahanka dhawaan iclaamiyay inuu ka baxayo Atletico Madrid isla markaana uu yahay ciyaartoy uu shaqsiyan jecel yahay.

Dhawaan ayay ahayd markii wargeyska kasoo baxa magaalada Barcelona ee Sport uu sheegay in xiddigaha Barcelona ay kasoo hor jeedaan saxeexa Greizmann sababtuna ay tahay inuu diiday inuu kusoo biiro xagaagii hore.

Greizmann ayaa xilli ciyaareedkii hore qarka u fuulay inuu kusoo biiro Barca balse waxa uu muuqaal uu duubay ku shaaciyay inuu sii joogi doono Atletico kaddib heshiis kordhin mushaharkiisa lagu gaadhsiiyay 23 Milyan.

Iyadoo ay sidaas wax u dhaceen ayay xiddigaha Barca iyo dhammaan shaqsiyaadka ku taxan kooxdaasi aaminsan yihiin in Greizmann uu ka doortay lacag oo aysan doonayn inuu kusoo biiro wakhtigan.

Mid kamid ah arrimaha ay haatan Barcelona doonayso inay ku ganaaxdo Greizmann haddiiba ay lasoo wareegayso ayaa lagu sheegay inay ku doonayaan mushahar 17 Milyan ah oo shan milyan ka hooseeya midkiisa haatan ee Madrid.

Rakitic oo wax laga weydiiyay arrimaha Greizmann ayaa yidhi “Aad ayaan u jecelahay Greizmann, Waan jeclaan lahaa isagu inuu u ciyaaro kooxdayda”

Dhinaca kale Rakitic ayaa ka hadlay wax ku saabsan mustaqbalka kooxdiisa Barcelona oo ah mid aan meel lagu hubin waxaana uu sheegay inuusan waligiis ku fikirin sidii uu uga tagi lahaa kooxda.

“Qandaraas ayaan ku leeyahay Barcelona waligayna kuma fikirin wax ku saabsan bixitaan, Waxaan doonayaa inaan Champions League kale ugu guuleysto halkan”