Waa Kuma Xiddiga Ay SIDDEEDA Kooxood Doonayaan Ee Ay Arsenal Hoggaanka U Qabatay Tartanka Adag Ee Loogu Jiro?

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inay hoggaanka u qabatay saxeexa khadka dhexe ee kooxda Newcastle United ee Matty Longstaff oo ay tartankiisa kula jiraan tiraba toddoba kooxood oo kale.

Khadkan dhexe ee 20 sano jirka ah ayaa lagu soo warramayaa inuu isha ku hayo inuu iskaga baxo gegida St James’ Park halkii uu heshiis cusub uga saxeexi lahaa Newcastle kaddib xilli ciyaareed wacan oo uu kusoo jiitay kooxaha gudaha England iyo kuwo dibedaba.

Longstaff ayaa Newcaste usoo baxay gudaha xilli ciyaareedkan balse heshiiskiisa ayaa ah mid dhici doona bisha June ee sanadkan, Il-wareedka TEAMtalk ayaa aaminsan in dookhiisa koowaad uu yahay bixitaan.

Gunners ayaan kali ku ahayn xiisaha loo muujinayo Longstaff balse waxay loolan kala kulmi doonaan toddobada kooxood ee kala ah Everton, West Ham United, Borussia Dortmund, Ajax, Club Brugge, Inter Milan iyo Atlanta balse wargeyska Mirror ayaa aaminsan in kooxda tababare Arteta ay hoggaanka u hayso.

Tababaraha Newcastle ee Steve Bruce ayaa Matty Longstaff kulankiisii ugu horreeyay ee xilli ciyaareedkan ciyaarsiiyay midkii Carabao Cup ee ay la ciyaareen Leicester City.

Intaas kaddib Longstaff ayaa lix kulan ka ciyaaray kulamada Premier League isagoo laba gool ilaa haatan soo dhaliyay labadabana ka dhaliyay Manchester United oo uu marti iyo minanba shabaqa kasoo taabtay.

Ugu dambayn, Tababare Mikel Arteta ayaa la aaminsan yahay qorshaynayo inuu Arsenal dib u qaabayn weyn ku sameeyo xagaaga oo uu dhisto koox isaga u gaar ah oo xoogan.