Waa Kuma Xiddiga Ay Saxeexiisa Ku Dagaalamayaan Liverpool, Man United, Chelsea & Bayern Ee Lagu Sifeeyay Michael Ballack Iyo Mesut Ozil Oo La Isku Daray?

Ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka England iyo kooxaha Manchester United iyo Bayern Munich ee Owen Hargreaves ayaa amaan ugu qubeeyay da’yarka Bayer Leverkusen ee Kai Havertz oo lala xidhiidhinayo kooxaha ugu waaweyn Yurub.

20 sano jirkan ayaa markale wacdarro dhigay toddobaadkan kaddib markii uu laba jeer shabaqa taabtay kulankii ay Leverkusen 4-1 kaga adkaatay Werder Bremen horraantii usbuucan.

Kai Havertz ayaa gudaha sanadkan 2020 oo kaliya 14 kulan oo uu ciyaaray kusoo dhaliyay sagaal gool halka uu toddoba kale caawiye ka ahaa taas oo ku hoggaamisay in lala xidhiidhiyo kooxaha kala ah Manchester United, Chelsea, Liverpool iyo Bayern Munich.

Hargreaves ayaa aaminsan in Havertz uu lamid yahay xiddigaha indhaha caalamku hayaan ee Jadon Sancho iyo Erling Haaland isla markaana uu yahay isku darka halyeeyada Germany ee Mesut Ozil iyo Michael Ballack.

Khabiirka BT Sport oo u warramayay shabakada Goal ayaa yidhi “Isagu waa mid khaas ah, isagu waa midka xiga, waxaan filayaa in dhammaan ciyaartoyda ugu wanaagsan ee ree Germany ay mudo joogaan Bundesliga kaddibna ay tagaan Premier League, Barcelona ama Real Madrid”

“Marc Andre Ter Stegen, Mesut Ozil, Toni Kroos, dhammaantood way safreen waxaana ay sameeyeen si wanaagsan, hibooyinkan horyaalka Bundesliga waa kuwo aad loo doonayo maadaama oo ay yihiin kuwo si wanaagsan wax u bartay iyo xirfadlayaan wanaagsan”

“Indhaha oo dhammi waxa ay hayaan Haaland iyo Sancho laakiin Kai Havertz waa mid ka yimid aragtida Germany, isagu waa mid khaas ah waana sida isku dhafka Michael Ballack iyo Mesut Ozil, taasi wax badan ayay sheegaysaa marka laga eego goolashiisa iyo sida uu kubadda ugu xaragoodo”

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook