Waa Kuma Xiddiga Ay Chelsea Sida Rasmiga Ah Ula Wareegtay Maanta Ee Bryan Fiabema Booskee Ayuuse Ka Xoojin Doonaa?

Advertisements

Kooxda Chelsea ayaa qarka u saaran inay ku dhawaaqdo saxeexa weeraryahanka da’yarta ah ee Bryan Fiabema, Heshiiskan ayaan wali ahayn mid ay si buuxda u shaaciyeen Blues balse waxkasta ayaa u muuqda kuwo dhammaystiran.

Chelsea ayaa suuqa bishan January gashay kaddib markii dhawaan laga qaaday ganaaxii dhinaca suuqa ahaa ee saarnaa xagaagii dhawaa iyadoo haatan ay haystaan fursada ay ciyaartoy cusub ku diiwaan gashan karaan.

Wargeyska kasoo baxa dalka Norway ee loo yaqaano VG ayaa sheegaya in weeraryahankan da’yarka ah ee Fiabema uu qaab tijaabo ah Chelsea ugu ciyaaray dhammaadkii sanadkii dhawaa ee 2019 isla markaana uu soo muujiyay wax ku filan oo heshiiskiisa rasmi lagaga dhigi karayo.

Fiabema oo kaliya 16 sano jir ah ayaa si toos ah ugu biiri doona kooxda akaademiga ee Blues halkii toos loogaga dari lahaa kooxda koowaad sababtoo ah in wali da’diisu ay yartahay.

Da’yarkan ayaa lagu soo casuumay Stamford Bridge shalay waxaana uu goob joog u ahaa guushii raaxada lahayd ee 3-0 ka ahayd ee ay Chelsea ka gaashay Burnley.

Advertisements

Intaas kaddib waxa la fahamsan yahay in Bryan sidoo kale lagu casuumay qolka labiska ee kooxdaas kulanka kaddib sidoo kalena uu la kulmay tababare Frank Lampard.

Advertisements