Waa Kuma Weeraryahanka Mustaqbalka Weyn Leh Ee Ay Chelsea Mudada Dheer Daba Socotay Ee Doonaya Inuu U Wareego Lierpool?

Advertisements

Weeraryahanka kooxda RB Leipzig ee Timo Werner ayaa lagu soo warramayaa inuu doonayo inuu dhabarka u jeediyo kooxda Chelsea oo mudo dheer doonaysay si uu ugu wareego dhinaca Liverpool.

Timo ayaa xilli ciyaareed aad u fiican ku qaadanaya kooxdiisa Leipzig isaga oo goolal badan shabaqa la gaadhaya kana caawiyay inay kaddib 18 kulan oo ay ciyaareen afar dhibcood oo nadiif ah ku qabtaan hoggaanka Bundesliga.

Heshiiska uu ku joogo kooxdiisa ayaa ah mid qiimaha lagu bur-burin karaa uu yahay 51 Milyan waxaana jirta xan ah in lacagtaasi ay soo jabayso sanadba midka ka dambeeya tan iyo marka laga gaadhayo dhammaadka wakhtiga heshiiskaas ee 2023.

Sida lagu sheegay wargeyska caanka ka ah Germany ee Bild, Werner ayaa u muuqda mid suuqyada soo socda qasbi doona in kooxdiisu ay u ogolaato u dhaqaaqista horyaalka Premier League.

Werner ayaa loo arkaa mid ku haboon hanaanka ciyaareed ee uu Liverpool ka sameeyay tababare Jurgen Klopp waxaana jirta fursad sarre oo uu Anfield ugu wareegi karo sababtoo ah in xidhiidhka labada kooxood uu yahay mid wanaagsan kaddib markii ay Naby Keita la kala wareegeen 2018-kii.

Dhawaan ayay ahayd markii xiddigani uu banaanka keenay xiisaha uu u qabo Premier League isaga oo Bild u sheegay “Premier League hubaashii waa horyaalka ugu xiisaha badan, Waa inaad sidaas tidhaa”.

Ugu dambayn, Werner ayaa hoggaanka gool dhalinta horyaalka Bundesliga la haya Lewandowski kaddib min 20 gool oo ay kusoo dhaliyeen 18 kulan.

Advertisements