Waa Kuma Tababaraha Bidaarta Leh Ee Mid Kamida Xiddigaha Kooxdiisa Oo Si Xun Timaha Usoo Jartay LABA Kulan Keydka Galiyay?

Kubadda cagta ayaa ah mid marka laga yimaado gudaha garoonka ay sidoo kale banaanka garoonka ka dhacaan waxyaabo kale oo xiiso leh oo aysan kaameradu qaban balse wakhtiyada qaar shaqsiyaadka ay ku dhacday ay ka warramaan.

Haatan ayay soo baxday sheeko xiiso leh oo dhex martay da’yarka kooxda Ajax iyo xulka qaranka Brazil ee David Neres iyo tababaraha kooxdiisa ee Erik Ten Hag oo ay xilli ciyaareed wanaagsan soo wada qaateen.

Neres ayaa haatan qayb ka ah xulka qaranka Brazil ee ka qayb qaadanaya tartanka Copa America waxaana uu kasbaday wicitaanka tababare Tite kaddib bandhig lala dhacay oo uu kusoo muujiyay Ajax.

Neres ayaa haatan banaanka keenay sheeko cajiib ah oo dhex martay isaga iyo tababarihiisa Ten Hag isla markaana xataa ku sababtay in laba kulan keydka loo dhaadhiciyo.

Da’yarkan ayaa sheegay in tababarihiisu uu ku qabsaday qaabka timahiisa balse uu u sheegay inuu isagu timahiisa ku mashquulo walow uu macalinku yahay mid bidaar leh kaddibna uu sidaas keydka ku dhigay.

David oo ka warramaya sheekada xiisaha leh ee dhex martay isaga iyo Ten Hag ayaa yidhi “Erik Ten Hag mar waxa uu igu eedeeyay timahayga waxaan u sheegay inuu daryeelo timahiisa ana aan kuwayga daryeeli doono, Keydka ayuu i dhigay labadii kulan ee xigay”.

Ugu dambayn, Ten Hag iyo Neres ayay macquul tahay inaysan xilli ciyaareed dambe sii wada shaqayn maadaama labadan shaqsiba haatan ay ku jiraan liiska ciyaartoyda iyo tababarayaasha suuqa kala iibsiga laga doonayo.