Waa Kuma Sheikh Tamim Bin Hamad Oo Ah Ninka Kaliya Ee Ama Diidi Kara Ama Dooni Kara Heshiiska Uu Neymar JR U Waalanayo Ee Barcelona, Muxuuse Arrinta Neymar U Arkaa?

Neymar JR ayaa doonaya inuu gudaha suuqa xagaagan iskaga hayaamo kooxda Paris Saint-Germain laba sano kaddib markii ay kula wareegtay £200 Milyan ee uu noqday ciyaartoyga ugu qaalisan abid kubadda cagta.

Neymar ayaa tan iyo sanadkii 2017 markii uu ku biiray Paris aan wax qanacsanaan ah ku qabin kooxdaas isaga oo aaminsanaa in heerkeedu uu yahay mid hooseeya.

Agaasimaha guud ee suuqa kala iibsiga ee PSG Leonardo ayaa dhawaan sheegay hadal shidaal u noqon kara qorshe kasta oo uu Neymar kaga baxayo kooxda kaddib markii uu ka dhawaajiyay inuu u furan yahay inuu tago.

Haatan wargeyska Marca ayaa sheegaya in heshiiska uu Neymar ku doonayo inuu ugu soo laabto Barcelona uusan ku xidhnaan doonin madaxweynaha kooxdaas ee Nasser El Khelaifi balse uu ku xidhnaan doono mulkiilaha kooxda ee Tamim bin Hamad Al Thani.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Sheikh Tamim uu yahay midka ay qasabka tahay inuu ogolaansho bixiyo hadii uu 27 jirkani ku laabanyo Camp Nou haddii kale ay u badnaan doonto inuu kooxda sii joogo.

Tamim bin Hamad Al Thani ayaa la sheegayaa inuusan ku faraxsanayn hab dhaqanka Neymar ee garoonka banaankiisa isaga oo u arka mid dilaya sawirka guud ee Paris Saint-Germain.

Waxa la arki doonaa haddii Tamim bin Hamad Al Thani iyo madaxda kale ee kooxdiisu ay ku qancinayaan inuu kooxda sii joogo iyo haddii ay heshiis la gaadhayaan Barca.

Si kastaba ha ahaatee, Neymar ayaa u muuqda mid ku kacaya qorshayaal lid ku ah PSG si uu inay fasaxaan ugu qasbo dhawaan ayayna ahayd markii uu maqnaaday tababarkii kooxda ee xilli ciyaareedka cusub.

Neymar PSG Barcelona transfer news