Waa Kuma Ciyaaryahanka Mustaqbalka Weyn Leh Ee Uu Bruno Fernandes Man United Keeni Karo Suuqa Soo Socda?

Saxeexa cusub ee Man United ee Bruno Fernandes ayaa lagu soo warramayaa inuu hayo furaha saxeexa xiga ee kooxdaas iyadoo uu sidoo kale door aad u weyn ciyaarayo wakiilka ree Portugal ee Jorge Mendes.

Bruno Fernandes ayaa suuqii bishii January Man United ugu soo biiray heshiis guud ahaan marka lacagaha shuruudaha ku xidhan lagu daro gaadhi kara 67 Milyan oo Pound walow ay si sahlan kusoo fasixi weyday kooxdiisii Sporting Lisbon.

Here Is Why Manchester United Want To Sign Nuno Mendes 2020 (HD ...

Si kastaba, magac kale ayaa soo baxay intii lagu gudo jiray wada hadalka waana da’yarka 17 sano jirka ah ee Nuno Mendes oo ah shaqsiga haatan lala xidhiidhinayo Red Devils.

Nuno Mendes ayaa si weyn looga qiimeeyaa gudaha kooxdiisa Sporting Lisbon waxaana loo arkaa mid kamida hibooyinka ugu wanaagsan ee usoo baxaya Portugal.

Bruno ayaa noqon kara shaqsiga Manchester u sahli kara inay lasoo saxeexato Nuno maadaama oo uu la wadaago wakiil Jorge Mendes.

Wargeyska Record oo ah midka xogtan laga helay ayaa sheegaya in United iyo Lisbon aysan wada xaajood dheer gelin balse ay kaliya yeesheen wadahadalo horudhac ah.

Man United ayaa soo celin karta xiisaha ay u qabtay saxeexa Nuno Mendes kaddib markii uu madaxweynaha kooxdaasi sheegay in 17 sano jirkoodan daafaca garab ah dalabaad laga soo gudbiyay.

Si kastaba ha ahaatee, Man United ayaan ku khasaarin ganacsigii hore ee ay la samaysay Sporting maadaama oo uu Bruno wax weyn kusoo kordhiyay kooxdooda mudo yar oo uu u ciyaarayay isaga oo ku guuleystay abaalmarintii xiddigii ugu fiicnaa guud ahaan Premier League February oo ahayd bishiisii koowaad.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook