“Waa Khalad Sidii United Loo Amaanay Kaddib Waad Arkaysay Wixii Dhacay” – Pep Guardiola Oo Man United Ku Weeraray In Amaanta Laga Bad-Badiyay Kahor Kulankii PSG.

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa u muuqda mid tusaale ka dhiganaya kulankii dhawaan dhex maray kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Man United iyo hoggaamiyayasha horyaalka France ee Paris Saint-Germain.

Man City ayaa sii noolaysay rajadeeda ah inay afarleyda koobabka ah ku guuleysato xilli ciyaareedkan kaddib guul 4-1 ah oo ay kasoo gaadheen kooxda yar ee Newport County kulan ka tirsan FA Cup wareegiisa shanaad.

Kulankaas ayaa mid raaxo badan u ahayn koooxda difaacanaysa PL kaddib in Newport ay barbaro ku haysay qaybtii hore oo dhan balse tayada Citizens ayaa qaybtii dambe soo dhalaashay waxaana ay guul ku gaadheen goolal ka yimid Riyad Mahrez, Phil Foden (Laba gool) iyo Leroy Sane.

Dareenka kooxda Guardiola ayaa haatan u jeedsaday dhinaca Champions League iyo kulanka ay Arbacada booqan doonaankooxda Schalke kulan ka tirsan Champions League wareegiisa 16-ka.

Haddaba, Guardiola ayaa dib u milicsaday kulankii PSG 2-0 kaga adkaatay Man United markaas oo kulanka kahor si weyn guusha loogu badinayay Manchester oo arrimo dhawr ah iskugu darsameen isla markaana ay dhinaca Paris ka maqnaayeen Neymar iyo Cavani.

Guardiola oo kaddib kulankii xalay saxaafada u warramaya ayaa yidhi “Waxaanu ku jirnaa afar tartan, Kulankasta waa mid gabi ahaanba kuwa kale ka duwan, Waxaad la ciyaaraysaa horyaalka labaad kaddib Champions League”

“Waa inaad la qabsato oo aad isku bedesho maskaxiyan, Midaasina waxa ay la micno tahay koritaan weyn oo ka koox ahaan ah qaladka weyn ayaana ah inaad aaminto inaad ka wanaagsan tahay cidkasta”

“Waa qalad sida in United la amaanay (Inay PSG ka fiican yihiin) laakiin waad aragteen waxa dhacay, Waa inaad daganaato oo aad si wanaagsan isku diyaariso”

 

 

1 Comment

  1. INKASTOON LOOGA BARAN PEP HADALADA DHIBA KOOX AMA MACALLIN KALE ILANA QUMMANAYD INUU KA DHAWRSADO,
    HADDANA WAA RUNTIIYE WAA WAX LAGU XOOLO-JIRTO WIXII KU DHACAY UNITED,
    MICNAHA MAN CITY HADAY AAMINTO FAANKA SAXAAFADA ENGLAND EE AH INAY SHALKA 04 KA FIICANYIHIIN WAXAA KU DHACAYA WIXII KU DHACAY WALAASHEED.

Comments are closed.