Waa Hoggaamiye!! – Xog Cusub Oo Laga Helay Dhacdo Uu Sameeyo Bruno Fernandes Oo Wixii Lagu Sheegayay Muujinaysa & Jamaahiirta Man United Oo Ay Farxad U Tahay.

Jamaahiirta kooxda Manchester United ayaa ku diirsaday xog cusub oo laga helay saxeexa cusub ee kooxdooda ee Bruno Fernandes oo suuqii bishii January kaga soo biiray dhinaca Sporting Lisbon isla markaana wacdarro soo dhigayay tan iyo wakhtigaas.

Fernandes ayaa bishiisii ugu horreysay ee uu horyaalka Premier League ka ciyaaray loo aqoonsaday xiddigii ugu wanaagsanaa horyaalka kaddib laba gool iyo saddex gool caawimo oo uu soo sameeyay.

Tababaraha kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa si lamid ah jamaahiirta kooxda si weyn ula dhacsanaa qaabka wacan ee uu Bruno ku bilawday nolosha Manchester balse xogta haatan la helay ayaa sheegaysa inuu xataa talooyin siinayay xiddiga ay koox wadaaga yihiin.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegay war ay aad u jeclaysteen jamaahiirta Man United oo ah in Fernandes uu ahaa mid talooyin joogto ah siiya daafaca midig ee kooxdiisa ee Aaron Wan-Bissaka isaga oo kala taliya qaabka uu horumar uga sii samayn karo booskiisa.

Wan-Bissaka ayaa kamida xiddigaha ugu daafacashada fiican dunida kubadda cagta marka ay hal ka hal noqoto balse dhibkiisa ayaa lagu sheegaa inuu yahay sida uu uga qayb qaato weerarka kooxdiisa oo hoos u dhac ku jiro.

Warbixintan uu qoray Daily Mail ayaa muujinaysa sifadii hoggaamiyenimo ee lagu xamanayay Bruno Fernandes tan iyo markii uu yimid Old Trafford isagoo saamayn ku yeeshay guud ahaan qaab ciyaareedkii xiddigaha kooxdiisa.