Waa Ceeb In Kooxaha Waa Wayn Asxaan Loogu Sameeyo VAR-Saxiixa Cusub Ee Barcelona Ee Frenkie de Jong Oo Cadho Wayn Ka Muujiyay Goolkii Ajax Laga Diiday Kulankii Real Madrid.

Saxiixa cusub ee kooxda Barcelona isla markaana wali ka sii ciyaaraya kooxda Ajax ee Frenkie de Jong ayaa soo bandhigay sida uu uga cadhaysan yahay goolkii kooxdiisa laga diiday kulankii xalay ee Champions league wuxuuna ku dooday in ay wax ceeb ah tahay in kooxaha waa wayn asxaan loogu sameeyo muuqaal caawiyaha garsoorka VAR.

Frenkie de Jong ayaa bandhig cajiib ah kala soo muuqday kulankii Ajax iyo Real Madrid wuxuuna kala mid ahaa inta ugu badan ciyaartoyda kooxda Ajax oo bandhig layaableh sameeyay balse ay musiibada VAR ku habsatay markii laga diiday goolkii ay Real Madrid kala hor mareen kaas oo ciyaarta saamayn ku yeelan lahaa.

UEFA ayaa sharaxday in Dusan Tadic uu taagnaa boosishan Offside ah markii uu dhalanayay goolkii laga diiday kooxda Ajax laakiin Frenkie de Jong ayaa go’aankan ku arkay mid loogu hiiliyay kooxda Real Madrid isaga oo waliba u arka in VAR uu yahay mid kooxaha waa wayn asxaan badan u samaynaya.

Frenkie de Jong oo ka hadlaya kulankii Real Madrid iyo go’aankii kooxdiisa ka cadhaysiiyay ayaa yidhi: “Ka koox ahaan si fiican ayaanu u shaqaynay. Waa ceeb in goolkayagii la diiday, laga yaabaa in wax sidaas la mid ahi uu u sahlan yahay in loo sameeyo asxaabta kooxaha waa wayn”.

Frenkie de Jong oo ka hadlaya sida ayna u helin natiijadii ay uga qalmeen kulankii Real Madrid iyo waxa ay samayn doonaan kulanka Bernabeu ayaa yidhi: “Laakiin si fiican ayaanu u sii wadnay, kadib fursadahayaga ayaanu helnay, aad ayay u xun tahay in aanan helin natiijo ka fiican. Spain dhexdeeda waa in aanu ugu ciyaarno isla qaabkii aanu guriga ugu ciyaarnay oo ah geesinimo , wali waxba lama go’aamin, Real cadaadis badan ayay ku hor dareemi doonaan jamahaiirtooda horteeda”.

Ajax ayuu goolka barbaraha u keenay Ziyech laakiin Asensio ayaa Madrid goolka guusha u dhaliyay daqiiqadii 87 aad wxuuna Frenkie De Jong oo xaalada ka sii hadlayaa uu yidhi: “Waxaanu u hanwaynaan karnaa kooxda, midba kaayaga kale ayuu u dagaalamay, waa wax niyadjableh in aad bixiso daqiiqadihii ugu danbeeyay. Haddii aanu isla maskax la mid ah ku ciyaarno, kadib kama cabsan doono Bernabeu”.

Real Madrid ayaa haddaba taagan boos fiican oo ay ugu soo bixi karto wareega siddeed dhamaadka Champions League maadaama oo ay laba gool ku soo dhalisay garoonka Ajax wuxuuna hadda culayska ugu badani saaran yahay Ajax si ay soo laabasho u samayn karto.