“Waa 26 Jir Ah Ma Ahan In Qaladaadkan Loo Tilmaamo” – Roy Keane Oo Weerar Ku Qaaday Daafaca Ugu Qaalisan Dunida Harry Maguire

Roy Keane ayaa shaaca ka qaaday in weli su’aalo ay dul saaran yihiin awooda difaacasho ee Harry Maguire kaasoo heshiis rikoorka adduunka ah oo gaaraya 80 milyan ginni ugu soo wareegay Manchester United xagaagan.

Keane ayaa tilmaamay in Maguire uu fiican yahay marka uu kubada heysto laakiin waxa uu qirtay in ku liito marka uu kubada difaacanayo.

Maguire ayaa ku soo wada bilowday dhamaan afartii kulan ee Premier League ee Man United ay ciyaartay xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu kaliya kooxda ka caawiyay inay hal kulan shabaqa ilaashato kulankii ay 4-0 kaga badiyeen kooxda Chelsea.

Inkastoo Maguire uu weli saldhiganayo kooxdiisa cusub, Keane ayaa aaminsan inay aheyd inuu sameynin qaladaadkii uu sameeyay ilaa iyo haatan marka loo eego da’diisa.

Keane ayaa u sheegay ITV: “Waxaan qabaa inuu OK ahaa. Waxaan ka hadleynay sida uu u fiican yahay marka uu kubada heysto, laakiin marka uu difaacanayo weli hal ama labo su’aalood ayaa dulsaaran.

“Waxaan mar walba ka walwalaa orodkiisa marka uu kubada difaacanayo. Waxaan xusuustaa goolkii ugu horeysay ee ay Crystal Palace dhaliso ma uusan sameynin waxyaabaha aasaasiga ah ee laga rabo daafac oo aheyd inuu daboolo Lindelof.

“Dhageyso, waa 26 jir haatan, waad walwaleysaa haddii aad waxyaabahaan u tilmaameyso isaga.”

Maguire ayaa ciyaaray 90ka buuxa ee dhameystiran kulankii ay England 4-0 kaga badisay Bulgaria habeenkii Sabtida.