Virgil van Dijk Oo Ogolaaday Inuu Qandaraas Cusub U Saxiixo Liverpool & Harry Maguire Oo U Sabab Ah In Mushaharka Loo Kordhiyo

Virgil van Dijk ayaa ogolaaday qandaraas cusub oo qaali ah inuu u saxiixo kooxda Liverpool, sida ay qortay jariirada Sunday Mirror.

Waxaana ugu wacan heshiiskii uu daafaca dhexe Harry Maguire ugu wareegay kooxda Manchester United, kaasoo mushahar qaali ah ka qaadanaya kooxda Old Trafford.

Xiddiga sannadka ee Yurub Van Dijk ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Anfield ka dhisan ka dib markii faahfaahinta heshiiska lixda sanno ee cusub la dhameeyay isbuucii la soo dhaafay.

Wadahadalada qandaraas cusub ayaa socday xagaagaii, laakiin ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in daafaca dhexe uu sii joogi doono Liverpool ka dib markii wadahadalada labada dhinac ay ku soo dhamaadeen si guul ah.

Qandaraaska Van Dijk ee haatan ayaa dhacaya xagaaga 2023 ka dib markii uu 75 milyan ginni uga soo wareegay Southampton 20 bilood ka hor.

Laakiin qandaraaska cusub ayaa ka dhigaya in loo sameeyo mushahar kordhin weyn isagoo haatan qaata isbuucii 125 kun ginni, waxaana qandaraaska cusub uu qaadan doonaa ku dhawaad 200 kun ginni isbuucii isagoo saxiixi doona heshiis ku dhamaanaya 2025.

Qandaraaskiisa haatan waxaa ku jiray lacago dheeri ah oo ku xirnaa qaab ciyaareedkiisa sida inay kooxda shabaqa ilaashato iyo kulamada uu safto.

Laakiin qandaraaska cusub waxaa loo kordhiyay mushaharka aasaasiga ah sidaasi darteed waxaa la yareeyay lacagaha dheeriga ah ee ku xiran qaab ciyaareedkiisa.