Virgil Van Dijk: Laga Yaabee In Ay Tahay Waqtigii Uu Markale Difaaca Ku Guulaysan Lahaa Abaal Marinta Ballon d’Or.

Qalbi difaaca xulka Netherlands iyo kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk oo ka mid ah xidigaha ugu cad cad ee sanadkan loo saadaalinayo abaal marinta Ballon d’Or  ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in ay markale dhacdo in uu difaaca ku guulaysto abaal marintan.

Virgil Van Dijk ayaa xili ciyaareed cajiib ah soo qaatay waxayna taasi keentay in uu ku soo guulaystay abaal marinta xidigii horyalka Premier league ugu fiicnaa kaas oo ay u codeeyeen xidigaha horyaalka Ingiriisku taas oo uu muujiyay sida uu wali ugu faraxsan yahay.

Laakiin Van Dijk oo waraysi siiyay shabakada rasmiga ah ee kooxdiisa Liverpool ayaa sheegay in aanu isagu wax saamayn ku yeelan karin abaal marinta Ballon d’Or balse waxa uu diirada saarayaa yahay in uu qaato xili ciyaareed xataa ka sii fiican kii uu sanadkii hore ku soo dhamaystay.

SIDOO KALE AKHRISO:  RASMI: Barcelona Iyo Bayern Munich Oo Heshiis Ka Gaadhay Saxiixa Philippe Coutinho Iyo Rajadii Paris Saint-Germain Ee Coutinho Oo Burburtay.

Virgil Van Dijk oo marka hore ka hadlaya sanadkii fiicnaa ee uu soo qaatay ayaa yidhi: “In aad hesho abaal marinta xidiga sanadka ugu fiican ee PFA Player of the Year waa sharaf fantastik ah, waa sharafta ugu saraysa ee aad heli karto sababtoo ah waxaa kuu codaynaya saaxiibadaada aad isku qayrka tihiin.

Van Dijk oo ka hadlaya abaal marinta Ballon d’Or ayaa iyo saamaynta uu haysto ayaa yidhi: “Waxaan nasiib wanaag ka ganacsan karaa Champions League, waa sharaf haddii ay dadku ka hadlayaan [Ballon d’Or], laakiin maxaan samayn karaan? Anigu wax saamayn ah kuma lihi”.

“Anigu ma beenin karo in aan soo qaatay xili ciyaareed qurux badan ee sanadkii la soo dhaafay, sidaa daraadeed, waxa kaliya ee aan samayn karaa hadda waa in aan diirada saaro xili ciyaareedka cusub, in aan taam noqdo, oo aan ku rajo waynahay in aan qaato xili ciyaareed xataa ka fiican kii aan sanadkii hore soo qaatay” ayuu Van Dijk hadaliisa raaciyay.

SIDOO KALE AKHRISO:  Kadib Xasuuqii Ay Barcelona U Gaysatay Napoli, Ernesto Valverde Oo Hadlay Xaalada Lionel Messi Iyo Gool Dhalintii Griezmann.

Lakiin Van Dijk ayaa muujiyay in markale uu difaac ku guulaysan karo Ballon d’Or ayaa yidhi: “Waxaan fahmi karaa in caadiyan ay abaal marinahaas ku guulaystaan gool dhaliyaasha ama No.10 ku sababtoo ah soo jiidasho badan ayay leeyihiin si loo arko, laga yaabee in ay tahay waqtigii ay isbadali lahayd(ee difaaca ku guulaysan lahaa)”.

Van Dijk ayaa la fahansan yahay in uu wali ka horeeyo xidiga abaal marinta waqtiyada badan ku soo guulaystay ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.