Vicente del Bosque: Haddii Aanu Lionel Messi Hogaaminayn, Abaal Marinta Ballon D’or Gabi Ahaanba Waxay Lumisay Qiimaheedii.

Tababarihii xulka qaranka Spain isla markaana hore uga soo shaqeeyay kooxda Real Madrid ee Vicente del Bosque ayaa sheegay in haddii aanu Lionel Messi hogaaminayn liiska ciyartoyda aduunka ugu fiican ee abaal marinta Ballon d’Or in ay luminayso agabi ahaanba qiimihii ay lahayd.

Muddo toban sanadood ah waxaa la filayaa in markii ugu horaysay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo laga horqaadi doono abaal marinta Ballon d’Or oo todobaad soo socda la bixin doono laakiin Vicente del Bosque ayaa aaminsan in haddiiba aanu Messi ka mid ahayn xidigaha ugu horeeya in ay Ballon d’Or luminayso qiimihii ay lahayd.

Vicente del Bosque oo u waramayay Marca ayaa soo bandhigay sida ay isaga layaab ugu noqotay in Messi aanu ka mid ahayn ciyaartoyda ugu cad cad ee Ballon d’Or wuxuuna yidhi: “Aniga aad ayay layaab iigu noqotay in aanu Messi halkaas joogin, waxaan filayaa in abaal marintani ay gabi ahaanba lumisay qiimihii haddii aanu isagu hogaaminayn ciyaartyoda aduunka ugu fiican”.
Vicente del Bosque ayaa isaga oo wali yaaban hadalkiisa sii raaciyay: “Way tahay, ugu yaraan waa layaab”. Wuxuuna De Bosque muujiyay sida abaal marinta Ballon d’Or ay sumcadii ay lahayd u lumin doonto haddii aanu Messi ku jirin ciyaartoyda abaal marintan ku tartamaya ee ugu horeeya.

Dhinaca kale macalinkii hore ee Real Madrid ee Vicente del Bosque ayaa ku raaxaysanaya isbadalka xili ciyaareedkan ka jira horyaalka La Liga ee ay kooxo badani muujinayaan awood aan hore looga soo baran.

Vicente del Bosque oo ka hadlaya horyaalka La liga ayaa yidhi: “Waa wax wanaagsan in Sevilla ay tahay hogaamiyaasha isla markaana uu La Liga yahay mid isku mid ah, sababtoo ah waxay la micno tahay in kooxo kale ay suurtogalnimo haystaan”.
Vicente del Bosque oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Atletico, Real iyo Barcelona way deg degsan yihiin, lakaiin kubabda cagta waxaa waajib ah in ay in badan noqoto tartan furan”.