Valverde Oo Ka Warbixiyay Sababta Ka Dambeysa Isbadalada Xoogan Uu Ku Sameeyay Barcelona Kulanka La Liga Ay Caawa Booqan Doonaan Celta Vigo.

Tababaraha kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa wuxuu shaaca kaga qaaday shir jaraa’id uu qabtay kahor kulanka caawa ee Celta Vigo ee horyaalka La Liga dalka Spain isbadalada ku yimid safka kooxdiisa Blugarana, taasoo uu sabab buuxda kaga dhigay in ay diyaar garowr xoogan ugu jiraan kulanka finalka ee Copa del Rey.

Kulanka caawa dhex mari doono kooxaha Barcelona iyo Celta Vigo ee ka tirsan kulamada 33-aad ee horyaalka La Liga ayaa wuxuu ka dhici doonaa garoonka Balaídos.

Isla mar ahaantaana kooxda reer Catalonia ee Barcelona ayaa waxay dhinaca kale isku diyaarineysaa kulanka finalka ay Savella kula ciyaari doonaan finalka Copa del Rey 21 April ee maalinka Sabtida soo aadan.

Ernesto Valverde ayaa kahor kulanka caawa Celta Vigo ee horyaalka La Liga wuxuu kasoo muuqday shir jaraa’id wuxuuna ka hadlay xaalada kooxdiisa wuxuuna yidhi: “Waa wax iska cad in ay jiraan isbadala xoogan ee dhanka kooxda Barcelona ku aadan, sababtoo ah waxaan ciyaareynaa seddexdii maalmoodba mar, marka lagu daro finalka Copa del Rey”.

Valverde ayaa hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxaan doonayaa in dhamaan ciyaartodya ay helaan fursad, si kulamada soo aadan aan ugu ciyaarno si wanaagsan, waana ogahay in guul darrooyinka kooxda Barcelona ay tahay mid aan la aqbali Karin, waxaana isku dayi doonaa inaan guuleysano dhamaan kulamada soo socda”.

 

 

1 Comment

Comments are closed.